Xiddiga Liverpool, Bradley Barcola, ayaa sheegay in Premier League uu dhanka xeeladaha ciyaarta ka fudud yahay marka loo barbardhigo wixii uu kala kulmay Paris Saint-Germain.
“Waxaan isku dayayaa inaan la qabsado, sababtoo ah aad ayuu uga duwan yahay Paris Saint-Germain,” ayuu Barcola u sheegay Telefoot.
“Premier League waa ka duwan yahay. Waxaan u arkaa inuu xeelad ahaan fudud yahay. PSG waxaa jooga tababare aad iyo aad ugu xeel dheer qorshaha ciyaarta, laakiin halkan waxaan dareemayaa in xeeladuhu ay ka yar yihiin, isbeddellada garoonkuna ay kooban yihiin,” ayuu yiri.
Barcola ayaa intaas ku daray in xilligii uu joogay PSG laga doonayay inuu mar gudaha u soo dhaqaaqo, marna garabka ka ciyaaro, iyadoo ciyaaryahan kale uu booskiisa buuxinayay. Wuxuu sheegay in habka ciyaareed ee Liverpool uu arrintaas kaga duwan yahay.
Ciyaaryahanka reer France ayaa ugu dambayn sameeyay caawintiisii ugu horreysay ee Premier League tan iyo markii uu PSG uga soo wareegay Liverpool heshiis lagu sheegay 140 milyan oo Yuuro.

