Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in la ganaaxay muddo 30 maalmood ah, sidoo kalena lagu soo rogay ganaax lacageed oo dhan €255, kaddib markii uu ka baxay xerada xulka qaranka Portugal ee Denmark.
Go’aanka ayaa la sheegay in ay gaartay Xiriirka Kubadda Cagta Portugal, iyadoo tallaabadan lala xiriirinayo bixitaankiisa xerada xulka qaranka.
Ronaldo ayaa la sheegay inuu raalli-gelin bixiyay, isla markaana isagu soo jeediyay in lagu qaado tallaabo ciqaabeed kaddib dhacdadaas.
Cristiano Ronaldo ayaa sabab u ahaa Xulka Portugal iney ku guuleystaan koobabka Euro gii 2016 & koobka Uefa Natio league .

