Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa sheegay in kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayso Paris Saint-Germain uu yahay kan ugu muhiimsan waqtigan, isaga oo ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo murankii ka dhashay dhacdadii Arda Güler ee kulankii Real Madrid iyo Sevilla.
Flick ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, ka hor kulanka Barcelona ay Talaadada caawa martida ugu noqonayso PSG, kaas oo ka tirsan wareegga saddexaad ee heerka horyaalka UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2026/2027.
Flick ayaa ammaan kala dul dhacay tababaraha PSG, Luis Enrique, isaga oo ku tilmaamay mid ka mid ah tababarayaasha ugu wanaagsan kubadda cagta.
“Wuxuu ku guuleystay Champions League laba jeer oo isku xigta, kooxdiisuna waxay ciyaartaa kubad aad u wanaagsan. Waa tababare heer sare ah,” ayuu yiri Flick.
Wuxuu intaas ku daray inuu aad ula dhacsan yahay firfircoonida PSG, cadaadiska ay saarto kooxaha kale iyo sida ay khatarta ugu gasho qaab ciyaareedkeeda.
Tababaraha Barcelona ayaa sidoo kale sheegay in PSG ay tahay koox awood badan oo si wanaagsan kubadda u maamusha, isla markaana leh dabacsanaan dhanka xeeladaha ciyaarta ah.
Markii la weydiiyay kulanka ugu muhiimsan ee Barcelona u harsan, kulanka PSG ama El Clásico ee ay la ciyaari doonto Real Madrid, Flick wuxuu si cad u sheegay in kulanka soo socda uu mar walba yahay kan ugu muhiimsan.
“Mar walba ciyaarta xigta ayaa ah tan ugu muhiimsan. Sidaas darteed, kulanka berri ayaa ah kan ugu muhiimsan,” ayuu yiri tababaraha reer Jarmal.
Hadalka Flick ayaa muujinaya in Barcelona ay si buuxda diiradda u saarayso kulanka PSG, inkastoo taageerayaashu ay sidoo kale isha ku hayaan kulanka weyn ee El Clásico.
Flick ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay murankii ka dhashay kulankii Real Madrid iyo Sevilla, gaar ahaan dhacdadii la xiriirtay Arda Güler oo dood ka dhalisay go’aannada garsoorka.
Tababaraha Barcelona ayaa sheegay inuu arkay wixii dhacay, balse uusan doonayn inuu arrintaas faallo ka bixiyo.
“Tani ma aha su’aal aniga la i weydiinayo. Waa inaad qof kale weydiisaa. Waan arkay wixii dhacay, laakiin ma doonayo inaan ka jawaabo, mana jecli inaan galo mowduucyada noocaas ah,” ayuu yiri Flick.
Flick ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Brazil ee Raphinha uu ku soo bilaaban doono kulanka PSG, kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac.
Dhanka kale, waxaa weli jiray walaac ku saabsan xaaladda Gerard Martín, kaas oo dhaawac kasoo gaaray kulankii ugu dambeeyay ee Barcelona ay la ciyaartay Real Betis.
Flick ayaa sheegay in kooxdu haysato beddello ku filan, isla markaana uu kalsooni ku qabo in xal laga heli doono xaaladda difaaca. Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in Jules Koundé uu diyaar u noqon doono kulanka xiga.
Tababaraha Barcelona ayaa sheegay in kooxdiisu ay sannadihii ugu dambeeyay si weyn u bislaatay, isla markaana ay hadda si ka duwan sidii hore u ciyaarto.
Wuxuu tilmaamay in ciyaartoydiisu ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen xilli ciyaareedka, isla markaana jawiga tababarka iyo wadajirka kooxda ay yihiin kuwo wanaagsan.
Flick ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada iyo ixtiraamka ay jamaahiirta Barcelona u muujiyeen isaga iyo kooxdiisa.
Flick ayaa qiray in ku ciyaarista difaac sare ay mar walba leedahay khatar, balse wuxuu ku dooday in kooxdiisu si adag u cadaadiso marka ay kubadda lumiso.
Inkasta oo Barcelona aysan kulamadii hore si joogto ah shabaqeeda u ilaalin, haddana wuxuu xusay in kooxdu dhalisay goolal badan.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda khadka dhexe, isaga oo sheegay in labada kooxoodba ay haystaan ciyaartoy tayo sare leh.
“Waxa ugu muhiimsan waa inaan ka fogaano khaladaadka, sababtoo ah PSG waa koox aad u sax ah. Waa inaan si feejigan u ciyaarnaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Flick.
Barcelona ayaa sidaas ku wajihi doonta PSG iyadoo doonaysa inay muujiso awooddeeda Yurub, halka kulankani uu sidoo kale fursad u noqonayo Flick inuu cabbiro heerka kooxdiisa marka ay wajahdo mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan tartanka.

