XASAASI: Xilli Ciyaareedka Gabriel Oo Soo Dhamaaday Oo Soo Dhamaaday.

Arsenal ayaa xaqiijisay in daafaca dhexe ee Gabriel Magalhaes la filayo in uu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac muruqa ah.

Daafaca Brazilian-ka ah ayaa goor hore laga saaray kulankii Arsenal 2/1 uga badisay Fulham Salaasadii isaga oo dhaawac muruqa ah soo gaadhay.

Mikel Arteta ayaa walaac ka muujiyay xaalada xiddiga iyada oo haatan la ogaaday inta uu xiddigu ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawaca soo gaadhay.

Warkii laga cabsi qabay ayaa la xaqiijiyay iyada oo Arsenal bayaan ka soo saartay xaalada Gabriel kaas oo qaliin mari doona.

“Kadib markii laga saaray kulankii Fulham, Waxa aan xaqiijin karnaa in Gabriel Magalhaes uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah kaas oo qaliin u baahnaan doona”ayay kooxdu ku tidhi bayaanka.

“Gabriel ayaa mari doona qaliin maalmaha waxana uu bilaabi doonaa u diyaar garawga xilli ciyaareedka dambe”

“Qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu si buuxda diiradda u saari doonaa taageerada Gabi si loo hubiyo inuu si buuxda ugu soo laabto taam ahaanshihiisa sida ugu dhaqsaha badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga