Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa ka hadlay xaaladda Manchester City kadib go’aankii lagu helay kooxda inay jebisay xeerar maaliyadeed oo Premier League ah.
Manchester City ayaa lagu helay inta badan eedeymaha loo soo jeediyay, kuwaas oo la xiriira muddadii u dhexeysay 2009/10 ilaa 2017/18, iyadoo sidoo kale kooxda lagu eedeeyay inay ku guuldarreysatay inay si buuxda ula shaqeyso baaritaankii Premier League ee socday intii u dhexeysay 2018 iyo 2023.
Ciqaabta rasmiga ah weli lama shaacin, halka Manchester City ay sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto go’aanka, Mid ka mid ah ciqaabaha laga hadal hayo ayaa ah in City laga qaadi karo qaar kamid ah horyaalladii ay ku guuleysatay muddadii baaritaanka.
Rooney, oo xilligaas Manchester United u ciyaarayay, ayaa xilli ciyaareedkii 2011/12 qayb ka ahaa kooxda United oo kaalinta labaad ku dhameysatay horyaalka, iyadoo Manchester City ay ku guuleysatay koobka.
Si kastaba, Rooney wuxuu sheegay inuusan jeclaan lahayn in Manchester United dib loogu wareejiyo horyaalkaas haddii City laga qaado, Rooney ayaa yiri: “Anigu kuma qanacsanaan laheyn inaan qaato bilad Premier League ah oo kale, sababtoo ah uma maleynayo inaan u qalannay. Xilli ciyaareedkaas kuma filneyn inaan ku guuleysanno horyaalka.”
Rooney wuxuu sidoo kale sheegay in haddii ciyaartoyda Manchester City aysan waxba ka ogeyn waxa ka dhacayay maamulka sare, ay iyaga si gaar ah ugu adkaan karto haddii guulihii ay garoonka ku gaareen dib loo beddelo.
Dhanka kale, Rooney wuxuu soo jeediyay ciqaab aad u culus oo Manchester City ah, isagoo sheegay inuu filayo in kooxda loo diri karo heerarka hoose ee kubadda cagta Ingiriiska, Wuxuu sheegay: “Waxaan u maleynayaa inaan arki doonno City oo heerka labaad loo dirayo, Sida ay taasi ku dhici doonto ma aqaan, laakiin waxaan filayaa inaan arki doonno.”
Rooney wuxuu sidoo kale sheegay in haddii City loo diro Championship oo keliya, kooxda ay si degdeg ah ugu soo laaban karto Premier League, sidaas darteedna uu taageersan yahay in ciqaab adag iyo xaddidaad dhaqaale lagu soo rogo, Wuxuu tusaale ahaan soo hadal qaaday in kooxda laga yaabo in loo diro League Two, isla markaana lagu soo rogo xaddidaad ku saabsan lacagta ay ciyaartoyda ku bixin karto dhowr xilli ciyaareed.
Si kastaba, ciqaabta kama dambaysta ah ee Manchester City weli lama shaacin, waxaana kooxda ay sheegtay inay adeegsan doonto waddooyinka racfaanka ee u furan.

