Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa si weyn uga hadlay go’aankii garsoorka kaddib guuldarradii 1-0 ahayd ee kooxdiisa kasoo gaartay Arsenal garoonka Anfield.
Van Dijk ayaa ku adkeystay in Liverpool laga diiday rigoore cad, isagoo su’aal ka keenay sababta VAR uusan u arkin dhacdadaas iyadoo garoonka ay yaallaan kamarado badan.
“Waxaa laheyn rigoore cad. VAR ma arko miyaa? Waxaa jira 50 kamaradood…” ayuu yiri Van Dijk.
Daafaca reer Netherlands ayaa intaas ku daray inuusan fahmin sababta ciyaaryahanka looga sugayo inuu si weyn uga cabto dhacdada, iyadoo muuqaalka laga heli karo dhinacyo badan.
“Maxay tahay sababta uu ciyaaryahanku ugu baahan yahay inuu cabasho sameeyo iyadoo ay jiraan kamarado intaas le’eg? Qof walba wuu arkay.”
Si kastaba, Van Dijk ayaa aqbalay in go’aanka aan dib loo beddeli karin, wuxuuna ugu dambeyn hambalyeeyay Arsenal.
“Ugu dambeyn rigooraha nalooma dhigin, sidaas darteed hambalyo Arsenal.”
Hadallada Van Dijk ayaa sii hurinaya doodda ku saabsan VAR iyo garsoorkii kulankii Liverpool iyo Arsenal, kaasoo Gunners ay 1-0 ku adkaatay.

