Wargeyska Mundo Deportivo ayaa si weyn u dhaliilay rigoorihii muranka dhaliyay ee Kylian Mbappé loo dhigay kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga adkaatay Racing Santander.
Real Madrid ayaa hoggaanka qabatay markii Mbappé uu dhaliyay rigoore loo dhigay daqiiqaddii 11-aad, balse go’aanka garsooraha ayaa dhaliyay dood xooggan.
Mundo Deportivo ayaa ku dooday in Mbappé uu ka faa’iideystay taabasho aad u yar oo uu ka helay gacanta ciyaaryahanka Racing ee Brati, kaddibna uu dhulka ugu dhacay si buunbuunin ah.
Wargeyska ayaa si jees-jees ah u qoray in Mbappé uu u dhacay “sidii qof si lama filaan ah miyir beelay.”
Waxa uu sidoo kale dhaliilay garsoore Munuera Montero, oo rigooraha tilmaamay, isagoo su’aal ka keenay sababta VAR uusan ugu yeerin garsooraha inuu dhacdada dib u eego.
Sida wargeysku sheegay, muuqaalka dhacdada ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, iyadoo taageerayaal badan ay dood ka keeneen in taabashadii dhacday ay ku filneyd in rigoore lagu abaalmariyo Real Madrid.
Mundo Deportivo ayaa arrinta sii xoojisay iyadoo adeegsatay oraah kaftan ah oo laga isticmaalo Spain, kuna tilmaantay dhacdada: “Tani rigoore ma aha, halkan iyo xitaa Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha midna.”
Si kastaba, rigooraha ayaa la ansixiyay, Mbappé ayaana dhaliyay, iyadoo Real Madrid ugu dambeyn Racing kaga adkaatay 3-0.

