Bellingham oo gaaray 50 gool: “Waa wax aan la rumaysan karin”

0

Xiddiga Real Madrid Jude Bellingham ayaa ka hadlay guushii 3-0 ahayd ee ay kooxdiisu ka gaartay Racing Santander, isagoo sidoo kale gaaray rikoor shaqsiyeed oo muhiim ah.

Bellingham ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Real Madrid, kaddib markii uu dhaafay goolhayaha Racing, kubbaddana ku hubsaday shabaqa. Goolkaas ayaa ka dhigan inuu gaaray 50 gool oo uu u dhaliyay Real Madrid.

Advertisment

Xiddiga reer England ayaa sheegay inay muhiim ahayd in Real Madrid ay sii waddo guulaha, gaar ahaan kaddib guushii ay dhawaan kasoo gaareen Camp Nou.

Bellingham ayaa yiri: “Si aad u wanaagsan ayaan u ciyaarnay. Aad ayay muhiim u ahayd inaan guuleysanno kaddib guushii Camp Nou.”

Isagoo ka hadlay 50-ka gool, wuxuu sheegay in ciyaartoydu looga baahan yahay inay goolal dhaliyaan, kulamadana isbeddel ku sameeyaan si kooxda loo caawiyo.

Bellingham ayaa sidoo kale ammaan weyn u jeediyay Yan Diomande, kaasoo dhaliyay goolkii saddexaad. Wuxuu sheegay inuusan ogeyn in Diomande uu awood u leeyahay inuu sidaas kubadda u toogto, isagoo ku tilmaamay “ciyaaryahan cajiib ah oo gaar ah.”

Ugu dambeyn, Bellingham ayaa ku farxay in Real Madrid aysan wax gool ah laga dhalin, isagoo sheegay inay tani muhiim u tahay difaacyada iyo goolhayeyaasha Thibaut Courtois iyo Andriy Lunin, isla markaana ay muujineyso awoodda iyo tartanka kooxda.

Real Madrid ayaa guushan ku gaartay 27 dhibcood, waxayna Barcelona oo hoggaanka haysa ka dambeysaa saddex dhibcood oo keliya.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here