Laba nin oo ka tirsan koox burcad ah oo weerarro ka geysan jirtay guryaha ciyaartoyda Premier League, oo horey u dhacay guriga xiddigii Newcastle United ee Alexander Isak, ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay inay bartilmaameedsadeen dhowr ciyaaryahan oo kale.
Valentino Nikolov oo 34 jir ah iyo wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Charlie Jovanovic, 24 jir ah, ayaa Talyaaniga uga safray UK, iyagoo si gaar ah u baarayay ciyaartoyda kubadda cagta, baraha bulshada iyo goobaha tababarka si ay u ogaadaan waqtiga ay ciyaartoydu guryahooda ka maqnaanayaan.
Labadan nin ayaa weerarro ka geystay guryaha ciyaartoy ay ka mid yihiin Neil Etheridge, Matheus Cunha iyo Leon Bailey, iyadoo qaar ka mid ah dhacyada ay dhaceen xilli ciyaartoydu ku maqnaayeen kulamo ay kooxahooda marti ahaayeen, Kooxda burcadda ah ayaa adeegsan jirtay waji-xir, nalal madaxa lagu xiro, galoofyo iyo xitaa walxo kiimiko ah oo lagu buufiyo eeyaha waardiyaha ah si ay u fududeeyaan inay gudaha u galaan guryaha.
Maxkamadda Newcastle Crown Court ayaa lagu sheegay in guriga Matheus Cunha laga qaatay dhar naqshadeeye, boorsooyin iyo dahab qiimahoodu u dhexeeyay £350,000 ilaa £500,000, Guriga goolhayihii hore ee Birmingham City, Neil Etheridge, ayaa sidoo kale laga xaday alaab qiimaheedu ku dhow yahay £15,000, oo ay ku jireen dhar qaali ah, saacad Rolex ah iyo dahab.
Dhanka Leon Bailey, burcadda ayaa isku dayday inay gurigiisa gasho habeenkii 31-ka December 2023, xilli uu Aston Villa kulan marti ah u ciyaarayay, hase yeeshee nidaamka ammaanka ee guriga ayaa digniin bixiyay kadib markii la ogaaday inay gudaha isku dayayeen inay galaan laba nin oo xiran dhar madow, galoofyo iyo waji-xir. Booliska ayaa la wacay, waxaana burcadda ay goobta ka carareen iyagoo aan waxba qaadan.
Neil Etheridge ayaa gurigiisa lagu dhacay 26-kii December 2023, xilli uu ka maqnaa guriga isaga oo Birmingham City u ciyaaraya, halka xaaskiisuna ay dibadda ku maqneyd, Xaaskiisa ayaa markii hore ogaatay dhacdada kadib markii ay ka aragtay qalabka ilmaha lagu ilaaliyo qof ku dhex jira qol jiif ah. Booliska ayaa loo yeeray, waxaana kamaradaha CCTV-ga lagu arkay ragga burcadda ah oo wejiyada qarsanaya, nalalna watay.
Maxkamaddu waxay sidoo kale maqashay in walax kiimiko ah lagu buufiyay eeyaha guriga, taas oo markii dadka gurigu soo laabteen ay saameyn ku yeelatay neefsashadooda, Cunha, oo xilligaas u ciyaarayay Wolverhampton Wanderers, ayaa sidoo kale gurigiisa la bartilmaameedsaday xilli uu kulan u maqnaa.
Xaaskiisa ayaa markii ay guriga soo laabatay aragtay mid ka mid ah eeyaha oo beerta ku dhex ordaya, iyadoo markii dambe la ogaaday in laga qaatay dhar naqshadeeye, boorsooyin iyo dahab qiimahoodu gaarayo boqolaal kun oo ginni, Labada nin ayaa sidoo kale horey loogu xukumay weerar kale oo lagu qaaday guri ku yaalla Newcastle, kaas oo ahaa guriga Alexander Isak, bishii April 2024.
Dhacdadaas waxaa laga qaatay dahab si gaar ah loo sameeyay oo qiimihiisu ahaa ku dhowaad £68,000 iyo lacag caddaan ah oo dhan £10,000, Charlie Jovanovic, oo horey u waday xukun lix sano iyo sagaal bilood ah, waxaa lagu daray laba sano iyo afar bilood oo kale, Valentino Nikolov oo isna horey ugu jiray xabsi toban sano ah, waxaa lagu daray afar sano iyo afar bilood oo kale.
Labada nin ayaa qirtay dambiga ah inay qorshe wadajir ah u sameeyeen dhaca guryaha, waxaana hadda sidoo kale wajahaya in dalka UK laga masaafuriyo, Xeer-ilaaliye Anne Richardson ayaa sheegtay in kooxda burcadda ahi si gaar ah u beegsanaysay ciyaartoyda kubadda cagta ee maalqabeennada ah ee ku nool Birmingham iyo Wolverhampton.
Waxay sheegtay in weerarradu ahaayeen kuwo si wanaagsan loo qorsheeyay, iyadoo kooxda ay Talyaaniga uga soo safartay UK ujeeddo gaar ah oo ah inay dhacdo guryaha dadka ay bartilmaameedsadeen.
Garsoore Robert Spragg ayaa sheegay in labadan nin ay dibadda uga soo safreen UK si ay uga qayb qaataan dhacyada iyagoo ka tirsan koox dambiilayaal ah oo qoys ahaan isku xiran.
Garsooruhu wuxuu intaas ku daray in baarayaashu ay si cad u ogaadeen in dhibbanayaasha si taxaddar leh loo baaray lana bartilmaameedsaday, isagoo tilmaamay in burcadda ay adeegsanayeen galoofyo, nalal, waji-xir iyo walxo lagu waxyeelleeyo ama lagu dejiyo eeyaha.
Garsooruhu wuxuu sidoo kale sheegay in booliska UK ay la shaqeeyeen hay’adaha Talyaaniga si loo xiriiriyo labada nin iyo dhacyadii kale ee dhacay, Dhacdadan ayaa muujisay sida guryaha qaar ka mid ah xiddigaha kubadda cagta loogu bartilmaameedsado iyadoo burcadda ay ka faa’iideysanayaan xogaha ciyaartoydu si furan ugu wadaagaan baraha bulshada iyo jadwalka kulamadooda.

