Trent Alexander-Arnold miyu katagaya Real madrid kooxdee ayuu ku biirayaa ?

0

Trent Alexander-Arnold ayaa go’aansaday inuu sii joogo kooxda Real Madrid, wuxuuna meesha ka saaray suurtagalnimada inuu ka tago bisha Janaayo.

In kastoo suuqa la isla dhex marayay warar la xiriira inuu ka tagayo Real Madrid kadib billow adag oo uu ku qaatay Spain iyo xilli-ciyaareedkan oo uu kulamo yar saftay isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Jose Mourinho, haddana khabiirka kubadda cagta Spain Guillem Balague ayaa xaqiijiyay in uusan bixi doonin. Balague ayaa u sheegay talkSPORT in Alexander-Arnold uu saxiixay qandaraas lix sano ah, isla markaana uu diiradda saarayo sidii uu ugu guuleysan lahaa Real Madrid.

Advertisment

Dhanka kale, wararka ayaa ku xirayay xiisaha uga imaanaya kooxda Chelsea oo ay taageerayaasheedu ku hamminayaan inuu ka hoos ciyaaro tababare Xabi Alonso, halka Liverpool iyaduna ay diyaar u ahayd soo dhoweyntiisa.

Sidoo kale, waxaa la xusay in da’yarka Josh Acheampong uu haatan wacdaro ka dhigayo booska daafaca midig ee Chelsea.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here