Maamulka Bayern Munich oo si adag uga hadlay mustaqbalka Olise & Real madrid & Kane ?

0

Madaxa fulinta Bayern Munich, Jan-Christian Dreesen, ayaa ka hadlay suurtagalnimada in kooxda ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer France ee Michael Olise, kaddib markii Harry Kane uu heshiiskiisa kordhiyay.

Dreesen ayaa sheegay in isaga iyo agaasimaha ciyaaraha Max Eberl ay si wadajir ah mas’uul uga yihiin arrimaha qandaraasyada ciyaartoyda.

Advertisment

Wuxuu sidoo kale xusay in heshiiska Olise uu dhacayo sanadka 2029, isla markaana waqtiga ku habboon ay miiska wada fariisan doonaan si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa.

Hadalka Bayern ayaa muujinaya in kooxda aysan hadda ku degdegeyn heshiis cusub, balse ay mustaqbalka qiimeyn doonto xaaladda xiddigan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here