Macalinka Cusub ee Manchester United loo saadaalinayo oo lasoo bandhigay waa kuma ?

0

Manchester United ayaa xiriir la sameysay tababarihii hore ee xulka qaranka France, Didier Deschamps, iyadoo mustaqbalka Michael Carrick ee kooxda uu mugdi ku jiro.

Sida uu qorayo wargeyska The Sun, maamulka United ayaa la xiriiray Deschamps oo 58 jir ah, si ay u qiimeeyaan suurtagalnimada inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Advertisment

Carrick ayaa cadaadis wajahaya, inkastoo guushii soo laabashada ahayd ee ay Manchester United ka gaartay Roma tartanka Champions League ay waqti dheeraad ah siisay.

Deschamps ayaa muddo 14 sano ah hoggaaminayay xulka France, isagoo kula guuleystay Koobka Adduunka 2018.

Dhanka kale, wuxuu khibrad weyn u leeyahay kooxaha Yurub, isagoo soo maamulay Monaco, Juventus iyo Marseille. Wuxuu Juventus ka caawiyay inay dib ugu soo laabato heerka koowaad, halka Marseille uu kula guuleystay horyaalka France, Monaco-na uu gaarsiiyay finalka Champions League.

Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in Manchester United ay qiimeysay tababarayaal kale oo ay ka mid yihiin Antonio Conte, Eddie Howe iyo Julian Nagelsmann, balse aysan weli ku qanacsanayn xulashooyinka suuqa yaalla.

Deschamps ayaa la sheegay inuusan ku degdegeyn inuu shaqo cusub qabto, kaddib markii uu xagaagan ka tagay xulka France, isla markaana uu waayay fursaddii tababarenimo ee Real Madrid.

Hadda su’aasha taagan ayaa ah: Michael Carrick ma sii haysan doonaa shaqada Manchester United, mise Didier Deschamps ayaa noqon doona beddelkiisa?

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here