Sky Sport Oo Soo Saaray Shaxda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Shabakada Sky Sport ayaa soo saartay shaxda ugu fiican xilli ciyaareedka premier League ilaa haatan.

Waxa la galay 7-dii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu tartanku marayaa meel xiiso leh.

Kooxaha Arsenal, Man City iyo Liverpool ayuu tartan adag ku dhexmarayaa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig.

Kooxaha Tottenham iyo Liverpool ayaa shaxda ku leh dhinacooda min 2 xiddig.

Ugu dambayn kooxda Chelsea ayaa kaliya hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga