Sir La Helay: 3 Kooxood Oo Uu Xabi Alonso Doonayo In Uu Tababare U Noqdo Oo La Ogaaday.

Weriyaha kubbadda cagta Spain ee Guillem Balague ayaa daaha ka qaaday ‘qorshaha’ sirta ah’ ee xirfadda Xabi Alonso naftiisa markii uu ku biiray Bayer Leverkusen bishii October 2022.

Alonso ayaa la wareegay Leverkusen markii ay ku jirtay seddexda kooxood ee ugu hooseeya, lakiin waxa uu wax ka bedelay qaab ciyaareedka kooxda kuwaas oo haatan 5 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka Bundesliga.

Shaqadiisa cajiibka ah ayaa keentay in uu ugu cad-cadaado in uu noqdo tababaraha ka badali kara Liverpool Jurgen Klopp marka uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Lakiin Balague ayaa sheegay in ay jiraan 2 kooxood oo kale oo reer yurub ah oo uu Xabi doonayo in uu tababare ka noqdo.

“Waxaan kuu sheegi doonaa wax yar oo sir ah,” Balague ayaa ku yiri BBC’s The Football News Show.

“Markii uu tagay Bayer Leverkusen, waxa uu u sheegay wakiilkiisa “ma garanaysaa waxa aan ku fikirayaa in haddii aan shaqo fiican ka qaban waayo Bayer Leverkusen, Waxa aan dib ugu laaban doonaa Real Sociedad”.

“Laakiin haddii ay si fiican u socoto, Waxa aan aadi doonaa Liverpool, Real Madrid, Bayern Munich”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga