Roberto Mancini oo afka furtay kana hadlay eedeymaha la xiriira Manchester City

0

Tababaraha xulka Talyaaniga Roberto Mancini ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay eedeymaha la xiriira kiiskii dhaqaale ee Manchester City, kaas oo wararkii ugu dambeeyay lagu sheegay in kooxda lagu helay 114 ka mid ah 115 eedeymo.

Mancini ayaa ka mid ah dadka magacyadooda lagu xusay kiiska, gaar ahaan arrin ku saabsan heshiis labaad oo la sheegay inuu jiray xilligii uu tababaraha ka ahaa Manchester City intii u dhexeysay 2009 iyo 2013.

Advertisment

Sida lagu sheegay warbixinnada, Mancini wuxuu lahaa heshiis rasmi ah oo uu kula jiray Manchester City, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu lacag dheeraad ah ka heli jiray heshiis la xiriiray Al Jazira, oo Abu Dhabi ah, kaas oo lala xiriiriyay milkiilaha Manchester City, Sheikh Mansour.

Warbixinnada ayaa sheegaya in Mancini uu heshiiskaas kaga heli jiray ku dhowaad €2.03 milyan sanadkii, iyadoo shaqada la sheegay inay ahayd adeegyo la-talin ah oo ku koobnaa qiyaastii afar maalmood sanadkii.

Eedeyntu waxay ahayd in qaabkan lacag-bixintu uu qarin karay qayb ka mid ah dakhliga tababaraha isla markaana uu xiriir la lahaa xeerarka dhaqaale ee Premier League iyo UEFA. Manchester City iyo Mancini labaduba hore ayay u beeniyeen eedeymahaas.

Isagoo ka jawaabaya su’aalaha ku saabsan kiiska, Mancini wuxuu sheegay: “Uma maleynayo in Manchester City lagu helay dambi, taas beddelkeeda.”

Wuxuu sidoo kale yiri arrintani aysan isaga khuseyn, isagoo ku daray in haddii ay jirto dhibaato ku saabsan heshiiska labaad, ay tahay arrin u dhexeysa dhinacyada kale ee kiiska, Kiiska Manchester City weli wuxuu leeyahay marxalado sharci oo harsan, waxaana wararku tilmaamayaan in kooxda ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato go’aanka la soo sheegay. Sidoo kale, faahfaahinta buuxda ee go’aanka iyo ciqaabta kama dambaysta ah weli lama shaacin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here