Kooxda Al-Nassr ayaa 3-0 kaga adkaatay Al-Diriyah kulan ka tirsanaa wareegga 8-aad ee horyaalka Sacuudiga, kaasoo ka dhacay garoonka Al-Awwal Park ee magaalada Riyadh.
Cristiano Ronaldo ayaa goolka koowaad dhaliyay daqiiqaddii 23-aad, waxaana goolka labaad daqiiqaddii 35-aad u saxiixay Samuel Costa. Kingsley Coman ayaa ciyaarta soo xiray, isagoo dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 77-aad.
Guushan ayaa Al-Nassr gaarsiisay 19 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka, halka Al-Diriyah ay leedahay 11 dhibcood, kuna jirto kaalinta sagaalaad.
Ronaldo ayaa taariikhdiisa ka dhaliyey 160 kooxood ee waayihiisa kubada cagta , CR7 ayaa doonaya inuu noqdo laacibkii ugu horeeyey ee 1000 gool dhaliya kubadac cagta caalamiga ah.

