Rasmus Hojlund Oo Jabiyay Rikoodh Uu Dhigay Cristiano Ronaldo.

Xiddiga da’da yar ee reer Denmark Rasmus Hojlund ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee uu ku soo bandhigay kooxda Man United ee horyaalka premier League.

Hojlund ayaa gacan ka geystay guushii adkaa ee ay kooxdu 4-3 kaga badisay Wolverhampton garoonka Molineux Stadium, ka dib markii uu dhaliyay hal gool mid kalena caawiyay.

Hojlund ayaa daqiiqadii 5-aad u dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta ka hor inta uuna caawiye ka noqon goolkii uu dhaliyay saaxiibkiis Marcus Rashford daqiiqadii 22-aad.

Hojlund ayaa dhaliyay gool mid kalena caawiye ka noqday kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka Premier League ee ay 2-2 la gashay Tottenham.

Hojlund ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee labo kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya, caawiyena ka noqda 2 kale kulan premier League ah isaga oo jira 20 sano iyo 362 maalin.

Xiddiga ayaa sidaas ku jabiyay rikoorkii hore ee loo diiwaan galiyay Ronaldo kaas oo sameeyay rikoodhka sanadkii 2007 xilligaas oo uu jiray 21 sano.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga