RASMI:- Real Madrid oo shaacisay qaliin lagu sameeyay Laacib katirsan safkeeda iyo maqnaansho 4 bilood ah

0

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in daafaceeda Raúl Asencio lagu sameeyay qalliin kadib dhaawac uu soo gaaray, kaas oo sabab u noqday inuu ka maqnaado bilowgii xilli ciyaareedka 2026/2027.

Real Madrid ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Asencio maanta lagu sameeyay qalliin guuleystay, kaas oo lagu daweynayay jab ka dhashay cadaadis ama culays soo noqnoqday oo ku dhacay lafta lugta midig, Bayaanka kooxda ayaa lagu yiri: “Ciyaaryahankeenna Raúl Asencio ayaa maanta lagu sameeyay qalliin guuleystay si loo hagaajiyo jab ka dhashay cadaadis ku yimid lafta lugta midig. Qalliinka waxaa sameeyay adeegga caafimaadka ee Real Madrid.”

Advertisment

Kooxdu waxay sidoo kale xaqiijisay in Asencio uu maalmaha soo socda bilaabi doono barnaamijkiisa soo kabashada, Real Madrid si rasmi ah uma shaacin muddada uu ciyaaryahanku maqnaan doono, balse wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa sheegay in daafaca uu garoomada ka maqnaan doono ku dhawaad afar bilood.

Maqnaanshaha Asencio ayaa kusoo aadaya xilli Real Madrid ay dhibaato ka haysato khadka dambe, gaar ahaan iyadoo kooxda ay wajahayso kulanka Villarreal ee La Liga, Real Madrid ayaa sidoo kale kulankaas geli doonta iyadoo aan haysan Dean Huijsen, kaas oo ganaax ku maqnaanaya, halka Ibrahima Konaté uu dhaawac ku maqan yahay.

Wararka dhaawaca Asencio ayaa kusoo beegmaya kaddib markii Real Madrid ay guuldarro 2-1 ah kala kulantay Atlético Madrid, taasoo sii kordhisay cadaadiska kooxda xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here