Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka digay ciyaartoyda halista ugu badan ku keeni kara kooxdiisa kulanka Axada ee premier League.
Guardiola ayaa sheegay in e Liverpool, Luis Diaz, Darwin Nunez, iyo Mohamed Salah, inay yihiin ciyaartoyda ugu halista badan.
Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Manchester City ay la il daran tahay natiijooyin xun, maadaama aysan wax guul ah gaarin lixdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.
Guardiola ayaa hadalkiisa ku bilaabay Arne Slot, oo hadda ah tababaraha Liverpool waxana uu yidhi”Runtii way fiicantahay, ciyaartu waa mid fiican dhinaca weerarka rogaal celiska ah”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “markii hore waxa ay ahaayeen Sadio Mane, Roberto Firmino, Mohamed Salah, iyo hadda Diaz, Nunez, Salah, waagii hore, waxaan la kulannay dagaaladii ugu weynaa ee Liverpool, mar walba waxaa loo arkaa inay caqabad weyn ku tahay kooxdaan, wax isbedel ah ma jiraan, iyaga laga badiyay hal kulan oo kaliya tartamada oo dhan.”
Waxa uu tilmaamay: “Mar walba waxa ay ahaayeen kulamadii ugu adkaa, waxa ay ahayd kulankii Arsenal, iyo Liverpool, marka aad tahay tababare sagaal ama toban sano ah, mar walba way adag tahay, waxaan ula macaamilaa sida arrin dabiici ah”
Be the first to comment