Kabtanka kooxda Man United Ee Bruno Fernandes ayaa maanta oo taariikhdu ku beegneed 27-da Novembar laga waaye tababarka buuxda Ee kooxda, waxaana la tilmaamay inuu uga maqnaa sababo la xiriira xanuun uu dareemayo xiddiga.
sida ay ilo wareedyo u sheegeen Wargeyska ESPN, kooxda Manchester United ayaa qiimeyn doonto Fernandes xaaladdiisa caafimaad ka hor kulanka Premier League Ee ay 28-da Novembar ay beritoole la ciyaari doonaan kooxda Brentford.
Fernandes ayaa subaxnimadii saakay si taxaddar ah uu shaqaalaha kooxda u sheegay inuusan caafimaad qabin. Diyaarna u aheyn inuu tababarto.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa laba gool dhaliyay kulankii ay 25-ta Novembar barbaraha 2-2 ah la galeen kooxda Sporting Lisbon kulan ka tirsanaa Champions League.
Manchester United ayaana la tilmaamay inay qiimeyn doonto xaaladdiisa ka hor booqashada Brentford Ee Old Trafford, waxaana go’aanka ku saabsan inuu ciyaari karo dib loo dhigi doonaa ilaa waqtiga ugu dambeeya ee suurtagalka ah.
Dhanka kale wararka kooxda waxaa ka mid ah, Manchester United oo rajo ka qabta in Harry Maguire uu kasoo kabsado dhaawaciisa waqtiga kulanka Brentford, inkastoo daafaca uu dhaawac ka soo sheegay kaddib barbarahii ay la galeen Sporting Lisbon
Maguire ayaa ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqo Ee kulankii ka dhacay Lisbon, halkaas oo goolkii barbaraha Re daqiiqadihii ugu dambeeyay uu dhaliyay Luis Suárez uu Mauricio Pochettino ka hor istaagay inuu guushiisii ugu horreysay ku gaaro hoggaanka Manchester United.
Wargeyska ESPN ayaa sheegtay in 33-jirka uu dhaawac soo gaaray intii uu ciyaartu socotay, inkastoo uu weli rajo ka qabo inuu ciyaaro dhammaadka toddobaadkan.
Manchester United ayaa wajahaysa waqti nasasho oo kooban kaddib markii ay habeenkii 25-ka Nofeembar ku hoydeen Lisbon. Kooxda ayaa galabtii 26-ka November dib ugu soo duushay Manchester, waxayna 27-da Novembar oo maanta ah ay tababar buuxa ku qaadatay xarunta Carrington, ka hor kulanka Brentford.

