Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warakayaa inay go’aan lama filaan ah ka gaareyso mustaqbalka xiddiga Reer Holandees Ee Ryan Gravenberch, iyadoo ay jirto qoomamo la xiriirta heshiiskii kordhinta qandaraaska ee uu saxiixay sanadkan.
Gravenberch wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu fiicnaa Liverpool xilli ciyaareedkii hore. Khadka dhexe ee xulka Netherlands ayaa seegay kaliya laba kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay shan gool, sidoo kalena sameeyay saddex caawin.
Kadib laba xilli ciyaareed oo wanaagsan oo uu ka soo qaatay garoonka Anfield, Gravenberch waxaa lagu abaalmariyay heshiis cusub oo soconaya ilaa sanadka 2032.
Laakiin khadka dhexe ayaa keydka la dhigay saddex ka mid ah shantii kulan ee ugu horreysay Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana intaas kadib soo gaaray dhaawac.
Keith Wyness, oo hore u ahaa maamulihii guud ee koox ka ciyaari jirtay Premier League, ayaa aaminsan in Liverpool ay ka qoomamayn doonto heshiiska ay Gravenberch siisay.
Keith Wyness ayaa Football Insider u sheegay:
“Uma maleynayo in ciyaaryahanka uu ka qoomamaynayo, waxaan u maleynayaa in Liverpool ay tahay kooxda laga yaabo inay ka qoomamayso inay heshiiskaas ka saxiixatay. Taasi waa dhibaatadu. Waa go’aan ku salaysnaa nidaamka ciyaareed, marka aad beddesho tababaraha waxaad sidoo kale beddeshaa nidaamka ciyaarta.”
“Markii heshiiska cusub la siiyay, taasi waa waxa ay kooxda ka fikiraysay waqtigaas. Waxaan u maleynayaa in hadda ay u badan tahay kooxda lafteeda inay is leedahay waxaa laga yaabaa in go’aankaas uusan sax ahayn waqtigaas.”
“Mushaharkiisu waa qaali. Haddii aysan jirin baahi ay u qabaan ciyaartoy dheeraad ah oo keydka u ah kooxda, taas oo ka hor istaagi karta inay iska iibiyaan, waxaan u maleynayaa inay raadin doonaan sidii ay ugu wareejin lahaayeen Bundesliga sida ugu dhaqsaha badan. Waxaan aaminsanahay in halkaas ay xiisuhu ka imaan karaan.”
“Waxaan filayaa in dhaqdhaqaaq uu dhici karo xitaa bisha Janaayo, haddii kalena xagaaga soo socda.”
Horumarka Trey Nyoni oo dhaawacaya fursadaha Gravenberch:
Xaqiiqda ah in khadka dhexe ee da’da yar Trey Nyoni laga soo hormariyay Gravenberch kulankii Arsenal horaantii xilli ciyaareedkan, waxay u muuqatay farriin weyn oo ka timid Andoni Iraola.
Waqtigaas, Jamie Carragher ayaa sheegay in arrintaasi ay ku adkaan lahayd ciyaaryahanka reer Netherlands.
Wuxuu yiri:
“Hal arrin oo ilaa hadda si weyn uga muuqatay tababaraha ayaa ah inuusan ka baqanayn inuu qaato go’aanno waaweyn.
“Wuxuu Gravenberch keydka dhigay xilli hore, kadib kulankii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka, markii ay martida ugu ahaayeen Newcastle.”
“Wuxuu sidoo kale bannaanka dhigay Milos Kerkez, oo ah ciyaaryahan uu hore u yaqaanay. Wuxuu sidoo kale marba beddelayay garbaha weerarka ee kooxda.”
“Waxa aan dhihi lahaa waa inaan dhammaanteen xasuusanno waayihii aan ciyaartoyda da’da yar ahayn; markii ugu horreysay ee ciyaaryahan da’yar laga soo hormariyo ciyaaryahan si fiican loo yaqaan oo kooxda ka tirsan.
“Mar walba way adag tahay, waxaan u maleynayaa, in ciyaaryahanka waayo-aragga ah uu ka soo kabto arrintaas.”
“Taasi macnaheedu ma aha inuusan dib u soo laaban karin, laakiin Iraola wuxuu muujinayaa inuu kalsooni dheeraad ah ku qabo wiil 19 jir ah oo kaliya sii fiicnaanaya, mustaqbalkiisuna uu kor u socdo.”
“Waxaan u maleynayaa in taasi ay dhabar-jab weyn ku noqon doonto Gravenberch.”
Liverpool waxay si cad kalsooni weyn ugu qabtaa Trey Nyoni, waxaana Lewis Steele uu soo jeediyay in heshiis cusub laga yaabo inuu dhowaan saxiixo.
Wuxuu yiri:
“Qoyskiisa ayaa habeenkii dhawaa agtayda fadhiyay. Wakiilkiisuna isaguna agtayda ayuu fadhiyay. Waxaa laga yaabaa in heshiis cusub uu dhowaan soo socdo.”
“Waxaan u maleynayaa in heshiis loo soo bandhigay. Sidaas darteed, haddii heshiiskaas la dhammeystiro toddobaadyada soo socda, haba yaraatee lama yaabi doono.”

