Paul Merson ayaa saadaal weyn ka bixiyay tartanka hanashada horyaalka Premier League ka hor kulanka Axadda dhexmaraya Arsenal iyo Manchester City, kaas oo ka dhici doona garoonka Emirates stadium.
Xilli ciyaareedkii hore, Arsenal ayaa soo afjartay muddadii dheerayd Ee ay sugaysay hanashada horyaalka Premier League, kaddib markii ay ka adkaatay kooxdii sida dhow ula tartamaysay Ee Man City.
Hadda, Gunners ayaa ah kooxda si weyn loogu saadaalinayo inay difaacato horyaalka Premier League, iyadoo kooxda Mikel Arteta ay lix dhibcood ku hoggaaminayso kala sarreynta horyaalka, kaddib markii la ciyaaray kow iyo toban kulan xilli ciyaareedkan kulamada EPL-ka ah.
Heerka kooxaha ugu sarreeya Premier League ayaa hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay, Arsenal-na uma muuqato inay haysato kooxo badan (haddii ayba jiraan) oo si dhab ah ugu tartami kara horyaalka xilli ciyaareedkan.
Man City waa koox ka mid ah kuwa u tartami kara horyaalka, balse toddobaadyadii ugu dambeeyay ayay dhibaatooyin la kulantay, Merson-na wuxuu aaminsan yahay in tartankeeda hanashada Premier League uu dhammaan karo dhammaadka toddobaadkan.
“Aniga ahaan halkaas ayay ku dhammaanaysaa, fursad haba yaraatee ma haystaan…”
Merson ayaa aaminsan in Man City aysan “fursad haba yaraatee” u yeelan doonin hanashada Premier League haddii ay guuldarro kala kulanto Arsenal dhammaadka toddobaadkan.
“Marka ay weerarka ku jiraan oo kubadda haystaan – aniga aragtidayda waxay u baahan yihiin inay Cherki iyo Doku meel uga helaan kooxda – waxay kooxdooda ku haystaan sixir,” ayuu Merson ka sheegay Sky Sports.
“Marka aysan kubadda haysan, si fiican uma ciyaaraan. Weli waa koox khatar ah. Ugu dambayn, mar uun ayay mar kale la jaanqaadi doonaan koox kubadda cagta ciyaaraysa, si buuxdana way u burburin doonaan.”
“Ma garanayo goorta ay taasi dhici doonto, balse waa inay hubiyaan inay garoonka Emirates ka baxaan dhammaadka toddobaadkan iyagoo aan laga badin. Haddii laga badiyo, waxay sagaal dhibcood ka dambayn doonaan Hogaamiyaahsa Horyaalka. Aniga ahaan halkaas ayay ku dhammaanaysaa, markaas wax fursad ah uma laha inay Arsenal kula tartamaan.”
“Waxay lumiyeen qaybtii cabsida ay kooxaha kale ku abuuri jireen. Weli waa koox kubadda cagta ah oo aad u wanaagsan, waxayna haysataa ciyaartoy aad u fiican, balse sida aan sheegay, marka aysan kubadda haysan si fiican uma ciyaaraan.”
- sidaas ayuu Paul Merson ka yiri kooxda Manchester City iyo booqashada garoonka Emirates isagoo tilmaamay in Hadii lasoo garaaco ay gabi ahaanba iska iloobi doonaan u tartamida Hanashada Horyaalka Premier League.
Halka dhinaca kale Halyeeygii Liverpool Ee Jamie Carragher ayaa sidoo kale sharaxay sababta uusan u arkin koox awood u leh inay Arsenal kula tartanto hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
“Cidna,” ayuu Carragher kaga jawaabay CBS Sports markii la weydiiyay in ay jirto koox Arsenal kula tartami karta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
“Sababtuna ma aha in Arsenal ay tahay koox aan caadi ahayn. Dhageysta, waa koox heer sare ah, ha iga fahmina si khaldan, balse marka laga hadlayo Champions League, uma maleynayo in kooxaha Premier League ay la tartami karaan… Arsenal oo keliya ayaa runtii la jaanqaadi karta waxa aan ka aragno kooxaha ugu sarreeya.
“Taasi ma ahayn inay sidaas noqoto marka laga hadlayo Premier League. Lacagta aan haysanno, kooxaha aan leenahay, waxaan haysannaa afar ama shan kooxood oo waaweyn, kuwaas oo dhammaantood aaminsan inay xilli ciyaareed kasta fursad dhab ah u haystaan hanashada horyaalka. Waxay lacag badan ku bixiyaan suuqa kala iibsiga, boqolaal milyan ayay ku bixiyaan ciyaartoy keliya, kooxdayda Liverpool-na waa mid ka mid ah kooxahaas.
“Sidaas darteed, marka la arko inta aan dhammaanteen uga hooseyno kooxaha kale, marka laga reebo Arsenal, oo xilli ciyaareedkii hore gaartay final-ka Champions League, waxaad aragtaan City caawa, waxaad aragtaan Villa oo guuldarraysatay, Liverpool-na dhowr toddobaad ka hor ayay guuldarro kala kulantay Fenerbahce iyadoo marti ah.
“In Premier League uusan lahayn wax ka badan hal koox oo sidaas samayn karta, iyadoo aan tartanka ku leenahay shan kooxood isla markaana dhammaantood haystaan dhaqaale badan, waa arrin laga yaabo inay niyad-jab keento, waxayna muujinaysaa sababta Arsenal loogu tixgelinayo kooxda ugu cadcad hanashada Premier League.”

