Raheem Sterling oo lagu xukumay xabsi saddex qaybood ah oo ganaax ah kadib markii uu ku kacay falal khatar ah.

0

Raheem Sterling ayaa lagu xukumay xabsi ganaax ah, iyadoo lagu soo rogay saddex ciqaabood oo la xiriira wadista gaari si khatar ah.

Xiddigii hore Ee usoo ciyaari jiray kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester City, Raheem Sterling, ayaa lagu xukumay xabsi ganaax ah kaddib markii lagu helay inuu gaari u waday si khatar ah.

Advertisment

Subaxnimadii Maanta Ee Arbacada, xiddigii hore De xulka qaranka England, Sterling, ayaa ka soo muuqday maxkamadda si loo xukumo, kaddib markii uu bishii September qirtay dambiyada la xiriira wadista gaari si khatar ah.

Ciyaaryahanka oo 31 jir ah ayaa la xiray bishii May, kaddib markii uu shil ku galay gaari nooca Lamborghini ah meel u dhow waddada M3 Ee gobolka Hampshire Ee ku talaay gudaha Dalka Ingiriiska.

Bishii September, Sterling ayaa sidoo kale qirtay inuu haystay lix dhalo oo gaaska Nitrous Oxide ah, kuwaas oo si khaldan loogu isticmaalo neefsashada, iyo inuu diiday inuu bixiyo muunad baaritaan looga qaado.

Saddexda ciqaabood Ee Raheem Sterling lagu xukumay kaddib markii uu qirtay dambiga wadista khatarta ah.. Hadda waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Sterling lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ganaax ah, kaas oo dib loo dhigay muddo 18 bilood ah.

Waxaa sidoo kale laga mamnuucay wadista baabuurta muddo laba sano ah, waxaana lagu amray inuu qabto 100 saacadood oo shaqo bulsho oo aan wax lacag ah lagu siinayn.

Weriye Charlotte Coles oo ka tirsan wariyaasha BBC-da, kana warbixineysay maxkamadda, ayaa intaas ku dartay:

“Dambiga la xiriira inuu diiday bixinta muunad baaritaan, waxaa lagu xukumay laba bilood oo xabsi ah, kaas oo dib loo dhigay muddo 18 bilood ah, isla markaana la socda xukunka kale. Waxaa sidoo kale lagu amray inuu bixiyo lacag magdhow ah oo dhan £187 iyo kharashaadka dacwadda oo gaaraya £85 Euro”

“Garsooruhu wuxuu sheegay inaan ciqaab gaar ah laga soo saarin haysashada gaaska Nitrous Oxide, maadaama dambigaas lagu daray xukunka wadista gaariga si khatar ah.”

Markii ay soo koobeysay kiiska, Garsoore Kirsty Allman ayaa tiri:

“Mr Sterling, waxaad maxkamadda horteeda u timid in lagugu xukumo saddex dembi oo aad hore u qiratay.”

“Waxaad tahay nin 31 jir ah, isla markaana aan hore loogu aqoon falal dambiyeed. Waxaan aqbalayaa in dhaqankaagii hore uu ahaa mid si wanaagsan loogu daydo.”

Garsoorada waxay sidoo kale sheegtay in Sterling uu u weecday isticmaalka gaaska Nitrous Oxide kaddib markii uu noqday hab aan wanaagsanayn oo uu kula tacaalo xaalad adag oo uu kala kulmayay waayihiisa ciyaareed.

Sterling hadda waa ciyaaryahan xor ah, kaddib markii uu ka tagay kooxda Feyenoord Ee ka ciyaarta horyaalka Netherlands Ee Erdvisie , markii uu dhammaaday qandaraaskiisa dhammaadka xilli ciyaareedkii 2025/26.

Ciyaaryahankan afar jeer ku guuleystay horyaalka Premier League ayaa waqtiyo aad u wanaagsan ku qaatay kooxaha Liverpool iyo Manchester City, isagoo sidoo kale door muhiim ah ka soo qaatay xulka qaranka England tartamo waaweyn oo dhowr ah.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladdiisa ciyaareed ayaa hoos u dhacday tan iyo markii uu Manchester City uga tagay kuna biiray Chelsea intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagii 2022.

 

Sterling ayaa ku dhibtooday inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii wacnaa ee Manchester City tan iyo markii uu ka tagay garoonka Etihad, waxaana uu waqtiyo niyad-jab leh ku soo qaatay kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Feyenoord.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here