Tababaraha reer Spain Ee Pep Guardiola ayaa wareysi gaar ah oo xiiso badan siiyay halyeeyga kubadda cagta Brazil Ee Romário, kaasoo lagu baahiyay barnaamijka Ee Romário TV.
Labada nin oo hore ugu soo wada ciyaaray kooxda Barcelona ayaa dib u midoobay magaalada Salvador Ee dalka Brazil, Halkaas oo ay kaga wada hadleen mowduucyo badan oo la xiriira kubadda cagta, waayihii ay wada joogeen Barcelona, Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Neymar, xulka qaranka Brazil iyo mustaqbalka Guardiola Ee tababaranimada.
Wareysigan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Carlo Ancelotti iyo shaqada uu ka hayo xulka qaranka Brazil, iyadoo Romário uu fursadda uga faa’iideystay inuu Guardiola wax ka weydiiyo aragtidiisa ku aaddan xaaladda xulka Brazil.
Pep Guardiola oo dhahay Messi ayaa iga dhigay tababare ka duwan kuwa kale:
Mid ka mid ah mowduucyada ugu xiisaha badnaa Ee wareysiga ayaa ahaa Lionel Messi iyo doorkii uu ku lahaa horumarka Guardiola Ee dhinaca tababaranimada.
Guardiola ayaa si cad u sheegay in ciyaartoyda heerka sare ah ay tababarayaasha ka caawiyaan inay noqdaan kuwo wanaagsan, isagoo Mucjisada kubada cagta Ee Messi uu ku tilmaamay ciyaaryahan gaar ah oo uu nasiib u yeeshay inuu tababare u noqdo.
Markii Romário uu weydiiyay waxa isaga ka dhigaya tababare ka duwan kuwa kale, Guardiola wuxuu ku jawaabay:
“Messi… Marka aad heysato ciyaartoy aad u wanaagsan, iyaga ayaa adiga kaa dhigaya tababare wanaagsan.”
Wuxuu xusay in Messi uu lahaa awood aan caadi ahayn oo uu si joogto ah ugu dhalin jiray goolal, isla markaana uu caawin jiray saaxiibbadiis, isagoo heerkiisa sare ku soo bandhigi jiray ciyaaraha iyo tababarradaba.
Guardiola ayaa Messi ku barbar dhigay halyeeyga kubadda koleyga Ee Michael Jordan, gaar ahaan dhinaca hamiga guusha iyo tartanka.
Pep Wuxuu sheegay in Messi uusan garoonka u imaan inuu saaxiibo sameysto oo kaliya, balse uu u imaan jiray inuu guuleysto oo uu noqdo ciyaaryahanka ugu fiican.
Guardiola ayaa sidoo kale sharaxay sababta uusan marnaba isku dayin inuu Messi kula soo wareego kooxihii kale ee uu tababaraha u noqday, isagoo yiri:
“Waligey iskuma dayin inaan la soo saxiixdo. Anigu waxaan taageeraa Barcelona, waxaana doorbiday inuu halkaas sii joogo.”
Pep iyo Romario oo kawada Hadlay loolanka u dhaxeeye Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi:
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay tartankii taariikhiga ahaa Ee u dhexeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Pep ayaa Cristiano Ronaldo ku tilmaamay ciyaaryahan leh hammi tartan oo aad u sarreeya, isagoo xusay in labada xiddig ay midba midka kale ku dhiirrigelinayeen inuu sii wanaajiyo heerkiisa ciyaareed.
Guardiola ayaa yiri: “Cristiano waa bahal dhanka tartanka ah. Waxa kaliya Ee uu daneynayo waa guusha iyo inuu muujiyo waxa uu awood u leeyahay.”
Pep ayaa aaminsan in tartankii labada ciyaaryahan u dhaxeeye uu door weyn ka qaatay heerarkii cajiibka ahaa Ee ay wada gaareen.
Pep ayaa yiri: “Labadooduba waxay isku caawiyeen inay heerkaas sare sii joogaan. Haddii Messi uusan heysan Cristiano, Cristiano-na uusan heysan Messi, waxaa laga yaabaa in heerarkoodu hoos u dhici lahaayeen.”
Guardiola ayaa sheegay in labadooduba ay si joogto ah ula socdeen waxqabadka midba midka kale, taasoo ku dhiirrigelinaysay inay sii wanaajiyaan ciyaartooda.
Labadooda ayaa muddo ku dhow 15 ilaa 20 sano ku sugnaa heerka ugu sarreeya kubadda cagta, taasoo Guardiola ku tilmaamay wax aad u adag in ciyaaryahan kale ku celiyo.
Pep ayaa sidoo kale ka hadlay Cristiano Ronaldo iyo xaaladdiisa xulka qaranka Portugal, isagoo sheegay in ciyaaryahan heerkiisa gaaray uu mudan yahay inuu si sharaf leh uga fariisto xulka.
Guardiola ayaa yiri:
“Xirfadda ciyaaryahan laguma qiimeeyo hal ama laba bilood, ama khilaaf dhex mara hal ama laba qof. Ciyaartoyda waaweyn waa inay albaabka hore ka baxaan.”
Wuxuu intaas ku daray in Portugal iyo Ronaldo ay tahay inay dadaal sameeyaan si uu u helo sagootin sharaf leh.
Pep Guardiola ayaa ka Hadlay Neymar iyo ciyaaryahannada kale Ee uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo waayihiisa tababarnimo:
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay Neymar, wuxuuna muujiyay inuu jeclaan lahaa inuu mar uun tababare u noqdo xiddiga reer Brazil.
Neymar ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii uu tababaraha reer Spain fursad u waayay inuu la shaqeeyo, inkastoo uu muddo dheer ka mid ahaa xiddigaha ugu tayada badan kubadda cagta adduunka.
Guardiola ayaa shaaca ka qaaday inuu isku dayay inuu Neymar ku qanciyo inuu ku biiro Bayern Munich sannadkii 2013dii, ka hor inta uusan xiddiga reer Brazil ku biirin Barcelona.
Wuxuu yiri: “Waxaan isku dayay inaan ku qanciyo inuu Bayern Munich yimaado. Aad ayaan u jeclaan lahaa inaan tababare u noqdo isaga.”
Guardiola ayaa Neymar ku ammaanay farsamadiisa, quruxda qaab ciyaareedkiisa iyo geesinimada uu garoonka ku soo bandhigo.
Wareysiga waxaa sidoo kale lagu soo qaaday weerarkii caanka ahaa Ee Barcelona Ee MSN, kuwaasoo ay ahaayeen Lionel Messi, Luis Suárez iyo Neymar.
Guardiola ayaa sidoo kale ammaanay da’yarka Barcelona Ee Lamine Yamal, isagoo sheegay inuu leeyahay tayo gaar ah oo ka soocaysa ciyaartoyda kale.
Markii la weydiiyay ciyaaryahanka mustaqbalka gaari kara heerka Messi iyo Cristiano Ronaldo, Guardiola wuxuu Yamal ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda leh awooddaas, inkastoo uu xusay in ku celinta joogtayntii labada halyeey ay tahay arrin aad u adag.
Wuxuu sidoo kale ammaanay Michael Olise, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan farsamo wanaagsan leh oo qaab ciyaareedkiisu xusuusinayo ciyaartoyda reer Brazil.
Guardiola oo difaacay Carlo Ancelotti, kana jawaabay dhaleeceynta Romário:
Mid ka mid ah doodihii ugu xiisaha badnaa wareysiga ayaa dhex maray Romário iyo Guardiola, waxaana ay ka wada hadleen shaqada Carlo Ancelotti Ee xulka qaranka Brazil.
Romário ayaa muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka xulka Brazil tan iyo markii Ancelotti loo dhiibay shaqada tababaranimo.
Halyeeyga reer Brazil ayaa sheegay inuu ka filayay Ancelotti inuu wax badan ka beddelo xulka, isaga oo xusay in kubadda cagta xulalka qaranku ay ka duwan tahay tan kooxaha.
Romário ayaa si toos ah u yiri:
“Dhibaatadu ma aha in laga adkaado, ee waa qaabka looga adkaado.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan filayay inuu Brazil wax ka duwan ka sameyn doono, laakiin sidaas ma dhicin. Xul qaran iyo koox waa laba wax oo kala duwan.”
Romário ayaa sidoo kale caddeeyay inuusan Ancelotti shaqsi ahaan wax dhibaato ah kala qabin, balse uu xaq u leeyahay inuu ka hadlo waxqabadka xulka qaranka Brazil.
Guardiola ayaa dhankiisa si weyn u difaacay Ancelotti, isagoo sheegay inuu si fiican u yaqaan tababaraha reer Talyaani, isla markaana uu marar badan wajahay.
Markii Romário uu dhaleeceeyay shaqada Ancelotti, Guardiola ayaa ku jawaabay:
“Waan ka xumahay Romário, anigu marnaba awood uma lihi inaan ka shakiyo kartida Carlo. Taasi waa wax aan macquul ahayn, sababtoo ah waan aqaan isaga.”
Guardiola ayaa intaas ku daray: “Waa hoggaamiye wanaagsan marka laga hadlayo maareynta ciyaartoyda. Waxaa la sheegaa inuu yahay kan ugu fiican. Waa qof dareen wanaagsan leh, aadna ugu fiican go’aannada dhanka xeeladaha ciyaarta.”
Guardiola ayaa sidoo kale sheegay in tababare kasta oo xulka Brazil qabta uu u baahan yahay waqti uu ku dhiso shaqadiisa.
Wuxuu yiri:
“Ma aha in Carlo yimaado, ama Pep, Jürgen ama José Mourinho, kadibna laba maalmood gudahood xulka shan jeer ku guuleystay Koobka Adduunka uu mar kale koobka qaado. Mararka qaar waqti dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.”
Pep ayaa madaxda xiriirka kubadda cagta Brazil iyo tababaraha weydiiyay su’aal muhiim ah:
Waxa uu yiri: “Su’aasha kaliya ee ay tahay inay is weydiiyaan madaxweynaha iyo tababaruhu waa: Ma dooneynaa inaan waqti siino?”
Guardiola ayaa sidoo kale qiray in kubadda cagta natiijooyinku muhiim yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay muddadii uu joogay Manchester City.
Wuxuu yiri: “Ancelotti, sida anigaba, wuu og yahay in haddii uusan guuleysan uusan sii jiri doonin. Aniguna sannado badan ayaan Manchester City joogay sababtoo ah wax badan ayaan ku guuleysanay.”
Pep oo shaaciye Sababta u diiday inuu noqdo tababaraha xulka qaranka Talyaaniga:
Qodob kale oo si weyn loo hadal hayay ayaa ahaa xiriirkii dhex maray Guardiola iyo xiriirka kubadda cagta Talyaaniga, kaasoo doonayay inuu u magacaabo tababaraha xulka qaranka.
Guardiola ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrintan, isagoo xaqiijiyay inuu wadahadallo la yeeshay Paolo Maldini iyo Leonardo, kuwaasoo xilligaas ka shaqeynayay arrimaha kubadda cagta Talyaaniga.
Pep Wuxuu sheegay in fursadda uu ku tababari lahaa xulka Talyaaniga ay ka mid ahayd sharafihii ugu waaweynaa Ee noloshiisa kubadda cagta soo marta, isla markaana ay ku adkayd inuu diido dal iyo xul sida Talyaaniga oo kale ah.
Guardiola ayaa yiri isagoo arintas ka hadlayo:
“Waxay ahayd mid ka mid ah sharafihii ugu waaweynaa noloshayda in la iga fikiro inaan tababare u noqdo xulka Talyaaniga.”
Wuxuu sidoo kale qirtay in markii la soo xiriiray uu u baahnaa inuu shaqada tababaranimada ka nasto.
“Waxaan dareemayay inaan u baahanahay inaan fadhiisto oo aan nasto. Waxaan tababare ahaa 18 sano, saddexdii maalmoodba mar ayaana ciyaar hoggaaminayay.”
Guardiola ayaa sheegay in haddii Talyaanigu uu la soo xiriiri lahaa sanad ama laba sano ka hor, ay suuragal ahayd inuu aqbali lahaa dalabkaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aad u qadariyo Paolo Maldini iyo Leonardo, balse uu xilligaas go’aansaday inuu waqti naftiisa siiyo.
Xulkee qaran ayaa noqon kara tallaabada xigta Ee uu Pep Guardiola qaadayo si uu u noqdo Tababare Xul:
Markii laga hadlay mustaqbalkiisa tababaranimo, Guardiola ayaa muujiyay in haddii uu mar kale dib ugu laabto shaqada tababaranimada, uu jeclaan lahaa inuu hoggaamiyo xul qaran.
Pep ayaa sheegay inuusan weli ogeyn goorta uu dib ugu laaban doono shaqada Tababarnimo, balse uu hadda ku qanacsan yahay waqtiga uu naftiisa siinayo.
Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada ah inuu tababare u noqdo koox ka ciyaarta Horyaalka Brazil.
Markii Romário uu weydiiyay inuu jeclaan lahaa inuu tababare ka noqdo Brazil, Guardiola ayaa si kaftan ah ugu jawaabay:
“Caipirinha-yadu aad bay u fiican yihiin.”
Markii Romário uu hadalka sii waday, Guardiola ayaa qosol ku jawaabay inay arrintaas mar dambe ka wada hadli doonaan.
Guardiola ayaa sidoo kale sheegay inuu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo kooxda Bahia, isagoo kaftan ku daray inuusan hubin inay awoodi karto inay bixiso mushaarkiisa.
Wuxuu yiri: “Bahia ayaan tababari lahaa. Ma garanayo inay lacag badan oo ay igu bixiso heysato, laakiin waan tababari lahaa.”
Guardiola ayaa hore u soo maray kooxo waaweyn oo ay ka mid yihiin Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City, isagoo muddo dheer ka shaqeynayay heerka ugu sarreeya kubadda cagta Yurub.
Pep Guardiola oo doortay guushii saddexleydii taariikhiga ahaa Ee Manchester City:
Intii lagu jiray qaybta su’aalaha degdegga ah Ee wareysiga, Guardiola ayaa la weydiiyay guushii ugu weynayd ee uu gaaray intii uu tababaraha ahaa.
Wuxuu doortay saddexleyda taariikhiga ah Ee Manchester City ay ku guuleysatay 2023dii, taasoo ka koobneyd Premier League, FA Cup iyo Champions League, halkii uu ka dooran lahaa xilli ciyaareedkii ay kooxda gaartay 100 dhibcood ee Premier League sannadkii 2018dii.
Markii la weydiiyay caawintii ugu fiicnayd Ee uu sameeyay intii uu ciyaaryahanka ahaa, Guardiola wuxuu doortay caawintii uu u sameeyay isla Romário oo wareysanaya marka ay ciyaartiyda Barça kawada tirsanaayeen.
Pep ataa sidoo kale 10-kii sano Ee uu joogay kooxda Manchester City ku tilmaamay kuwo aan la ilaawi karin, halka kulankii ugu xusuusta badnaa Ee xirfaddiisa tababaranimo uu ku tilmaamay kulankiisii ugu horreeyay Ee uu hoggaamiyo Barcelona.
Guardiola ayaa sheegay inuu wax walba oo uu doonayay ku guuleystay intii uu tababaraha ahaa, halka waqtiga firaaqadiisana uu jecel yahay inuu ku ciyaaro golf-ka.
Gunaanad:
Wareysiga Pep Guardiola iyo Romário wuxuu ahaa kulan ay dib ugu xusuusteen waayihii ay wada joogeen Barcelona, isla markaana ay kaga hadleen qaar ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn kubadda cagta casriga ah.
Guardiola wuxuu fursaddaas uga hadlay saameynta Messi ku yeeshay xirfaddiisa tababaranimo, tartankii Ronaldo iyo Messi, tayada Neymar iyo Yamal, difaaca uu u sameeyay Ancelotti, iyo sababtii uu u diiday inuu noqdo tababaraha xulka Talyaaniga.
Wareysiga ayaa lagu sii daayay Romário TV, waxaana loo qaybiyay shan qaybood oo kala duwan oo An aniga Halkaan kusoo xusay.
Wareysiga ayaa ahaa wareysi aad u dheer, iyadoo wadahadala dhexmaray Guardiola iyo Romario uu ahaa mid aad u dheer, waxaan isku daye sida ugu wanaagsan inaan kusoo tur jumo una soo koobo, anigoo welino Hadal by Hadal uu Pep Guardiola iyo Romario ay kuwada Hadleen wareysigaas aan Halkaan si fasiix ah oo la aqrisan karo idin kugu soo gudbiye.

