Muxuu Ten Hag Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Man United La Gashay Bournemouth

Tababaraha Man United Ten Hag ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Bournemouth kulan ka tirsanaa premier League.

Man United ayaa bar-bro 2/2 ah la gashay Bournemouth kulan uu Bruno Fernandes laba jeer badbaadiyay kooxda Man United.

Red Devils ayaa haatan guul la’aan ah 4-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League iyada oo hal kulan laga badiyay 3 kalena bar-baro gashay.

“Waan ognahay inay tahay inaan badino, Waxaan rabnaa inaan dagaalano, si aan ugu tartamo boosaska sare, Waad aragtaa ciyaarta, waan ku dhibtoonay qeybtii hore, [Harry] Maguire wuu dhibtoonayay laakiin shaqo fiican ayuu qabtay sababta oo ah waan u baahanahay isaga”.

“Qaybtii labaad aad ayay u fiicnayd, waxa fiican ayaa ah in aan laba jeer dib uga soo laabanay gool, niyadda kooxdu waa fiican tahay, dhamaadkii waxa aan helnay fursado badan oo aan ku badin karnay”.

“Kooxda naga soo hor jeeda way dhibaatoonaysay qaybtii dambe sababta oo ah dadaal badan ayay bixiyeen qaybtii hore laakiin kamaanu faa’iidaysan fursadihii aan helnay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga