Muxuu Hansi Flick Ka Yidhi Kulanka Madrid Derby

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa shaaca ka qaaday fikirkiisa ku aadan kulanka la wada sugayo ee Madrid Derby ee dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid, kaasoo ah midka ugu sareeya kulamada isbuucaan ee horyaalka Spain, kaasoo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu Stadium.

Flick ayaa ku yiri warsaxaafadeedka ka hor inta uusan wajihin Seville ee La Liga, “Waxaan daawan doonaa derby markan waa kulan xiiso leh, mid ka mid ah kulamadii ugu fiican yurub, laakiin marka hore waxaan daawan doonaa kulanka Barcelona Athletic, ka dib waan cashayn doonaa.”

Isagoo ka hadlaya kulanka Sevilla ayuu yidhi”Waan ogahay in jawiga Seville uu yahay mid cajiib ah”.

Barcelona ayaa rajaynaysa in ay natiijo iyaga u dan ah ka soo baxdo kulanka adag ee labada kooxood ee ka sareeya dhexmari doona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga