Mohamed Salah Oo Weyne Rooney Kula Biiray Rikoodh Khaas Ah.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii wada jabinta Iyo dhigista rikoodhada premier League.

Tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool, Salah ayaa xilli ciyaareed kasta jabiya, bar-bareeya ama dhiga rikoodh cusub oo premier League ah.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 18 gool premier League ah halka uu caawiye ka noqday 10 kale.

Salah ayaa Rooney kula biiray rikoodh cajiib ah oo uu kali ku ahaa Halyeeyga Man United.

Mohamed Salah ayaa Wayne Rooney kula biiray xiddigaha kaliya ee taariikhda premier League dhaliyay 10 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale 5 xilli ciyaareed oo kala duwan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga