Xiddiga reer Croatia Luka Modrić ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mustaqbalka dib ugu laabto Real Madrid, kooxda uu 13 sano u ciyaaray, isagoo kula guuleystay dhammaan koobabkii waaweynaa, Modrić ayaa Real Madrid uga tagay AC Milan, isagoo heshiis xor ah ugu biiray, waxaana uu heshiiskiisa Milan dib u cusbooneysiiyay ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan. Wuxuu sheegay in Real Madrid ay tahay “gurigiisa”, balse haddii uu soo laabanayo uu marka hore qiimeyn doono doorka uu qaban karo iyo haddii kooxda ay doonayso, isagoo ku tilmaamay soo laabashada inay noqon lahayd “riyo.”
Modrić sidoo kale wuxuu ka hadlay xaaladda Cristiano Ronaldo ee xulka Portugal, isagoo sheegay inay tahay wax laga xumaado, ayna tahay in xal loo helo, Wuxuu xusay in Ronaldo uu mudan yahay inuu sii wato xulka ama loo sameeyo sagootin weyn oo sharaf leh, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahankii ugu fiicnaa taariikhda Portugal.
Dhanka Lionel Messi, Modrić wuxuu sheegay in go’aankiisa ku saabsan ciyaaraha caalamiga ah la ixtiraamo, maadaama uu ku guuleystay Koobka Adduunka isla markaana uu gaaray guul aan caadi ahayn.
Ugu dambeyn, Modrić wuxuu sheegay inuusan weli diyaar u ahayn inuu ka fariisto kubadda cagta, maadaama uu weli leeyahay hammi iyo awood uu ku ciyaaro. Wuxuu sheegay inuu dhageysan doono jirkiisa, kadibna si deggan u qaadan doono go’aanka ku saabsan mustaqbalkiisa.

