Halyeeygii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa ku baaqay in Manchester City lagu rido ciqaab aad u culus haddii racfaankooda laga guuldarreysto, isagoo aaminsan in ciqaab hal xilli ciyaareed ah aysan ku filneyn eedeymaha dhaqaale ee kooxda lagu helay.
Manchester City ayaa lagu helay inay jebisay xeerarka dhaqaale 114 jeer intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018. Baaritaanka Premier League ayaa lagu sheegay in kooxda ay muddadaas si weyn u kordhisay dakhligeeda, iyadoo lagu eedeeyay heshiisyo ganacsi oo aan dhab ahayn, kuwaas oo qiimahooda lagu qiyaasay ku dhowaad £830 milyan.
Manchester City si adag ayay u diidday eedeymaha, waxaana kooxda ay horey u gudbisay racfaan ay ku doonayso inay ku caddeyso in aysan dambigaas gelin, Carragher oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Legends of Football Awards ayaa sheegay in go’aanka ciqaabta aan dib loo dhigin, isla markaana Manchester City ay saameyntiisa dareento xilli ciyaareedkan:- “Waa in arrintan la xalliyo xilli ciyaareedkan, sababtoo ah Manchester City waa inay saameyn ku yeelataa xilli ciyaareedka soo socda.”
Carragher wuxuu intaas ku daray in haddii City ay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo dacwaddaasi taagan tahay, ay dad badan u arki karaan horyaalka mid aan qiimo lahayn, Waxa uu sidoo kale sheegay in ciqaab hal xilli ciyaareed ah aysan ku filneyn, maadaama xadgudubyada lagu eedeeyay kooxda ay socdeen sanado badan.
“Ciqaabtu ma noqon karto mid hal xilli ciyaareed ah, sababtoo ah arrintani waxay socotay sanado badan. Sidaas darteed, waxaan u maleynayaa in ciqaabtu ay tahay inay sanado badan socoto.”
Wariyaha Sky Sports News Kaveh Solhekol ayaa sheegay in kooxaha kale ee Premier League ay doonayaan in go’aan degdeg ah laga gaaro kiiska Manchester City, isla markaana ciqaabtu ay dhaqan gasho sida ugu dhakhsaha badan.
Qaar ka mid ah kooxaha ayaa aaminsan in haddii City lagu ciqaabo dhibco laga jaro oo kaliya taasoo keenta inay hal xilli ciyaareed ka maqnaato Premier League, aysan taasi noqon doonin ciqaab ku filan xadgudubyo la sheegay inay sanado badan socdeen.
Haddii Manchester City heerka koowaad laga reebo, kooxaha kale waxay sidoo kale heli karaan faa’iidooyin tartan, sida hal koox oo ka yar oo relegation wajahaysa, fursad dheeraad ah oo Yurub ah iyo tartanka horyaalka oo ka furan kooxaha kale.
Yaa go’aaminaya ciqaabta?
Kooxaha kale ee Premier League si toos ah ugama qayb geli doonaan dhageysiga ciqaabta. Guddiga ka kooban saddex xubnood ee dhageystay dacwadda ayaa go’aamin doona ciqaabta kadib marka Premier League ay soo gudbiso taladeeda, halka qareennada Manchester City ay difaacan doonaan mowqifka kooxda.
City iyo khatarta dhaqaale
Manchester City ayaa sidoo kale wajahaysa khatar dhaqaale oo aad u weyn haddii ay Premier League ka maqnaato dhowr xilli. Wararka ayaa sheegaya in kooxda ay lumin karto ku dhowaad £500 milyan sanad kasta haddii ay ku ciyaarto meel ka baxsan heerka koowaad.
Xaalad noocaas ah waxay adkeyn kartaa in kooxda ay sii haysato xiddigaheeda waaweyn, iyadoo ciyaartoy sida Erling Haaland, Phil Foden iyo Rayan Cherki ay noqon karaan bartilmaameedyo ay kooxaha kale doonayaan.
Si kastaba, Manchester City weli waxay waddaa racfaankeeda, sidaas darteed ciqaabta kama dambaysta ah iyo waqtiga ay dhaqan geli doonto weli lama xaqiijin.

