TOP NEWS :- Ma ahayn Klopp – Waa Kuma tababarihii uu Riquelme rabay Real Madrid Macalin uga dhigo ?

0

Warbixin ay daabacday The Athletic ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin ku saabsan ololihii Enrique Riquelme ee doorashadii madaxtinimada Real Madrid ee 2026, taas oo ugu dambeyn uu ku guuleystay Florentino Pérez.

Riquelme ayaa qorshihiisa kooxda ku doonayay Mikel Arteta, tababaraha Arsenal, si uu u noqdo hoggaamiyaha mashruuca cusub ee Real Madrid sanadaha soo socda, Inkasta oo Riquelme horey u sheegay inuu doonayay Jürgen Klopp, The Athletic waxay sheegtay in Arteta uu ahaa doorashadiisa koowaad, iyadoo magaca tababaraha reer Spain lagu soo bandhigay ololihiisa doorashada.

Advertisment

Si kastaba, Riquelme wada-hadallo rasmi ah oo dhab ah lama gelin Arteta, maadaama tababaraha Arsenal uu muujiyay inuu ka go’an yahay mashruuca Arsenal, isla markaana uu heshiiskiisa kooxda u kordhiyay ilaa 2030.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Riquelme ugu dambeyn uu qorsheynayay Klopp, halka Florentino Pérez uu doonayay José Mourinho.

Doorashadii kadib, Real Madrid waxay ugu dambeyn Mourinho la saxiixatay heshiis saddex sano ah oo soconaya ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2028/29.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilowday natiijooyin aan degganayn, iyadoo Mourinho uu rajeynayo in kooxda ay wax ka beddesho natiijooyinkeeda kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here