Xulka qaranka Talyaaniga oo afar gool ku xaaqay Xulka turkiga & Wacdaradii Azzuri …

0

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa guul weyn ka gaaray xulka Turkiga, kaddib markii uu 4-0 kaga adkaaday kulankii labada xul ku dhex maray Isniintii, kaasoo ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka group-yada UEFA Nations League 2026/2027, Talyaaniga ayaa ciyaarta si xooggan ku bilowday, waxaana daqiiqaddii 9-aad goolka koowaad u dhaliyay Alessandro Bastoni.

Daqiiqaddii 22-aad ayuu Davide Frattesi dhaliyay goolka labaad ee Talyaaniga, halka shan daqiiqo kaddib uu Michael Kayode shabaqa Turkiga ku hubsaday goolka saddexaad, Sidaas ayay Talyaanigu ku dhammeysteen qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo 3-0 ku hoggaaminaya.

Advertisment

Bilowgii qeybtii labaad, Turkiga ayaa isku dayay inuu ciyaarta dib ugu soo laabto, waxaana daqiiqaddii 47-aad gool u dhaliyay Barış Alper Yılmaz, hase yeeshee  Talyaaniga ayaa saddex daqiiqo kaddib jawaab degdeg ah bixiyay, waxaana goolka afaraad u dhaliyay Pio Esposito, taasoo ciyaarta ka dhigtay 4-1.

Turkiga ayaa daqiiqaddii 57-aad mar kale shabaqa Talyaaniga taabtay, laakiin goolkaasi lama ansixin kaddib markii garsooruhu uu isticmaalay VAR, waxaana lagu sheegay inuu jiray offside, Ugu dambeyn, ciyaartu waxay ku dhammaatay Talyaaniga 4-0 Turkiga.

Guushan ayaa Talyaaniga siisay saddexdiisa dhibcood ee ugu horreeyay ee group-ka, halka Turkiga uu wajahayo guuldarradiisii labaad, isagoo weli aan wax dhibco ah helin, Kulanka xiga, Talyaaniga ayaa wajahaya France, halka Turkiga uu mar kale la ciyaari doono Talyaaniga marka la gaaro kulanka ugu dambeeya ee heerka group-yada, Dhanka kale, France ayaa 1-0 kaga adkaatay Belgium, taasoo u sahashay inay yeelato 6 dhibcood oo ay hoggaanka group-ka ku qabato, halka Belgium ay leedahay 3 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here