Man United Vs Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo La Soo Saaray

Labada kooxood ee ugu waaweyn kubbada cagta Ingariiska ayaa galabta  Axad isku arki doona koobka FA Cup-ka, iyadoo Manchester United ay soo dhaweyn doonto Liverpool wareega 8da ee tartanka.

Liverpool ayaa ku raad joogta afar koob xilli ciyaareedkan laakiin FA Cup-ka ayaa ka dhigan fursadda kaliya ee macquulka ah ee Man United ee xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa ah kooxda labaad ee ugu guulaha badan taariikhda tartankaan, waxaana ay kor u qaadeen koobkaan 12 jeer, iyadoo guushoodii ugu dambeysay ay aheyd 2016, laakiin xilli ciyaareedkii hore ayaa laga qaaday koobka.

Dhanka kale Liverpool ayaa ku guuleysatay FA Cup sideed jeer, waxaana ugu dambeysay oo ay qaado koobkaan 2022.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo cajiib ah oo heer caalami ah kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Ka hor kulankooda waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyada oo la soo xushay xiddigaha qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka ay Man United shaxda ku leedahay 5 xiddig.

MNU vs. LIV combined XI

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga