Man City, Liverpool Mise Arsenal? Milkiilaha Man United Ee Sir Jim Ratcliffe Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Ay Ku Guulaysato Horyaalka Premier League.

Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa ka hadlay tartanka adag ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Horyaalka premier Legaue ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay 3 kooxood ku tartamayaan horyaalka premier League.

Arsenal iyo Liverpool ayaa isku dhibco ah waxana ay Gunners ku hogaaminaysaa horyaalka farqiga dhibcaha iyaga oo hal dhibic ka horeeya Man City.

Sir Jim Ratcliffe: “Kooxdee ayaan doonayaa inaan ku guuleysto horyaalka PL? Waan necbahay dhammaantood, dhammaantood waa cadaw!”.

“Suurtagal ma ahan in aan doorto, Laakiin way u fiicnaan Lahayd Arteta sababta oo ah shaqo fiican ayuu qabtay, Arsenal-na way u dulqaadatay isaga.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga