Macalinka cusub ee Manchester United oo si toos ah ugu sheegay maamulka Manchester in ….

0

Tababaraha cusub ee Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa doonaya inuu awood buuxda ku yeesho dhammaan go’aannada la xiriira kooxda iyo xulashada ciyaartoyda, xilli cadaadiska uu wajahayo agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox uu sii kordhayo.

Pochettino ayaa sheegay inuu doonayo inuu qayb ka noqdo dhammaan go’aannada waaweyn ee mustaqbalka kooxda, isagoo xusay in xiriirka iyo wada-shaqeynta maamulka ay muhiim u yihiin guusha.

Advertisment

Tababaraha reer Argentina ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Bruno Fernandes uu sii ahaan doono kabtanka Manchester United, inkastoo mustaqbalkiisa kooxda uu weli mugdi ku jiro, maadaama qandaraaskiisa hadda uu lix bilood ka harsan yahay, iyadoo kooxdu haysato ikhtiyaar ay sanad kale ku kordhin karto.

Pochettino ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee tababarka kula qaatay ciyaartoyda xarunta Carrington, isagoo mid kasta si gaar ah ula yeeshay wada-hadal.

Manchester United ayaa rajaynaysa in Pochettino uu dib u soo nooleeyo kooxda, taasoo xilligan ku jirta kaalinta 18-aad ee Premier League.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here