Arteta oo fariin cad udiray Xidig kamid ah safkiisa uguna baaqay hal arin oo muhiim ah

0

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa dalbaday in xiddiga reer Brazil ee Bruno Guimarães uu wax badan ku soo kordhiyo kooxdiisa, xilli uu isku diyaarinayo inuu markii ugu horreysay garoonka St. James’ Park ku laabto tan iyo markii uu ka tagay Newcastle.

Guimarães ayaa xagaagan Newcastle uga soo wareegay Arsenal lacag dhan £75 milyan, balse weli si buuxda uguma uusan muujin heerkii laga filayay.

Advertisment

Arteta ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in khadka dhexe ee reer Brazil uu awood u leeyahay inuu heer kale gaaro, gaar ahaan xilli Arsenal ay sugayaan kulamo waaweyn oo ay la ciyaari doonaan Manchester City, Manchester United, Real Madrid iyo Tottenham.

Guimarães oo 29 jir ah ayaa afar sano iyo bar u ciyaaray Newcastle, waxaana la filayaa inay taageerayaashii hore si kulul ugu soo dhaweeyaan kulanka Sabtida.

Arsenal ayaa doonaysa inay sii dheereysato hoggaanka Premier League, halka Newcastle oo kaalinta 12-aad ku jirta ay iyaduna u baahan tahay dhibco muhiim ah.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here