Agaasimaha guud ee Manchester United oo si adag uga hadlay xaalada lidiata ee Manchester United

0

Agaasimaha guud ee Manchester United, Omar Berrada, ayaa difaacay milkiilayaasha kooxda ee qoyska Glazers iyo Sir Jim Ratcliffe, isagoo ku tilmaamay kuwo dadaal badan oo si dhow ula socda maamulka kooxda.

Berrada ayaa sheegay in wada-shaqeynta labada dhinac ay si wanaagsan u socoto, isla markaana ay isku aragti ka yihiin go’aannada muhiimka ah ee kooxda.

Advertisment

Wuxuu sidoo kale dhaliilay qaar ka mid ah taageerayaasha United, isagoo sheegay in dhaleeceynta loo jeedinayo milkiilayaasha ay mararka qaar xadkeeda dhaafto, inkastoo uu qiray in qayb ka mid ah cabashooyinka taageerayaashu ay xaq yihiin.

Hadalkan ayaa imanaya xilli taageerayaasha Manchester United ay cadaadis xooggan saarayaan milkiilayaasha kooxda, iyagoo dalbanaya in laga qaado maamulka, isla markaana kooxda ay ku jirto xaalad adag oo dhanka natiijooyinka ah.

Berrada ayaa ku adkeystay inuu boqolkiiba 100 ku kalsoon yahay in Manchester United ay ku socoto jihadii saxda ahayd, xilli Mauricio Pochettino uu noqday tababaraha cusub ee kooxda.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here