Halyeygii hore ee Liverpool, Emile Heskey, ayaa kooxdiisii hore kula taliyay inay isku daydo saxiixa Marc Guéhi iyo Antoine Semenyo oo ka tirsan Manchester City, haddii ay soo baxdo fursad ay kula wareegi karto labada ciyaaryahan.
Heskey ayaa aaminsan in Guéhi uu Liverpool ku soo kordhin karo awood iyo xasillooni dhanka difaaca ah, halka Semenyo uu yahay weeraryahan leh xawaare, awood iyo karti gool dhalineed.
Isaga oo la hadlayay TEAMtalk, Heskey ayaa sheegay in Liverpool ay tahay inay ka faa’iidaysato fursad kasta oo ay ku heli karto labada xiddig qiimo ku habboon.
Labada ciyaaryahan ayaa la isku qiimeeyay £131 milyan, iyadoo mustaqbalkooda Manchester City uu hadal-hayn galay sababo la xiriira dacwadda maaliyadeed ee kooxda. Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in Manchester City ay diyaar u tahay inay iibiso.
Dhanka kale, Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa kala iibsiga ee Janaayo mudnaan siiso xoojinta khadka dhexe iyo daafaca bidix, inkastoo xiisaha loo qabo Guéhi iyo Semenyo uu weli soo jiidanayo dareenka taageerayaasha.

