Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Darwin Nunez.

Darwin Nunez ayaa sii huriyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa Liverpool isaga oo ka masaxay sawiradii Liverpool bogiisa Instagram ka kadib tacadiyo badan oo ay kala kulmeen taageerayaasha.

Nunez ayaa ahaa dooda joogtada ah ee taageerayaasha Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo si joogto ah fursado waali ah u khasaariyay tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Kadib guushii Tottenham, Nunez ayaa masaxay dhamaan sawiradii uu xidhnaa maaliyada Liverpool taas oo dabka ku shiday wararka sheegaya in uu isaga tagayo kooxda.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay wargayska Daily Mail, Liverpool ayaan diyaar u ahayn in ay is dhiibto kana quusato Nunez kadib 2 xilli ciyaareed oo uu joogay kooxda.

Sidoo kale Liverpool ayaa aaminsan in yna dib u soo ceshan Karin lacagtii 85 milyan ee ay ka soo bixisay xiddiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga