Liverpool & Man City Oo Bar-baro Ku Heshiiyay

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa hoggaanka uga tanaasulay Arsenal, kaddib markii ay barbarro ku dhamaysteen ciyaar ay isla rafaadeen oo ka dhacday garoonka Anfield oo ay fursado badan iska khasaariyeen labada kooxood.

Manchester City ayaa gool uu u dhaliyey John Stones la hormartay, laakiin Liverpool ayaa ka daba timid oo goolka barbarraha oo rikoodhe ahaa uu u saxeexay Alexis Mac Allister, taas oo ka dhigan in hoggaanka horyaalka ay si rasmi ah ula wareegtay Arsenal oo farqiga dhibcaha kaga haysa Liverpool oo ay isku dhibco yihiin.

Manchester City oo weerar culus ku bilaabatay ciyaarta ayaa shantii daqiiqadood ee ugu horreeyey heshay laba fursadood oo halis ahaa oo uu badbaadiyey goolhaye Kelleher, iyado mid ka mid ah fursadahaas oo ahaa gantaal uu ku toogtay Kevin de Bruyne uu dib iskaga soo celiyey.

Liverpool oo yaabban ayaa waxa Man City ay heshay koorne uu dhinaca midig kubadda la tegay, waxa uu si khiyaano ku jirto usoo dhigay goolka hortiisa iyadoo ay ciyaartoyda Liverpool filayeen in uu madax soo saari doono, balse waxay is-fahmeen John Stones oo laba tallaabo hore ugu soo qaaday si uu kubadda shabaqa oo agtiisa ahaa ugu leexiyo.

Goolkan ayaa khalkhal ku riday Liverpool iyadoo ciyaartoyda Man City ay bilaabeen inay kubadda isku-dhiibaan oo ay tiki taka ciyaaraan, laakiin khadka dhexe oo ay si adag uga shaqaynayeen Mac Allister iyo Wataru Endo oo kaashanaya Harvey Elliott iyo Darwin Nunez ayaa kubadda dib ugu soo celiyey lugta Liverpool oo sameeyey fursado badan.

Liverpool ayaa bilowday in ay raadinayso goolka bar-baraha.

Daqiiqdii 50-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alexis McAlister kaas Oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaantay ciyaarta Oo ay labada kooxood ku heshiiyeen bar-baraha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga