Lamine Yamal oo Wacdareeyey laba gool & bandhig aan caadi aheyn, Spain-na 4-1 ku garaacday Croatia

0

Xulka qaranka Spain ayaa sii watay bilowgiisa wanaagsan ee UEFA Nations League 2026/2027, kaddib markii uu guul weyn oo 4-1 ah ka gaaray Croatia kulan ka tirsanaa wareegga labaad ee heerka group-yada, Spain ayaa ciyaarta si xooggan ku bilaabatay, waxaana daqiiqaddii 2-aad goolka furitaanka u dhaliyay xiddiga Barcelona ee Lamine Yamal, kaasoo kubbad si qurux badan u tuuray oo shabaqa Croatia dhex dhigtay.

Croatia ayaa jawaab degdeg ah bixisay, waxaana daqiiqaddii 29-aad goolka barbaraha u dhaliyay Dion Beljo, taasoo ciyaarta ka dhigtay 1-1, Laakiin farxadda Croatia muddo dheer ma sii waarin, waxaana laba daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 31-aad, Spain mar kale hoggaanka qabatay. Marc Pubill ayaa dhaliyay goolka labaad ee Spain, waxaana caawinta sameeyay Lamine Yamal.

Advertisment

Qeybtii labaad ayuu Yamal sii waday bandhiggiisa cajiibka ah, waxaana daqiiqaddii 63-aad uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, isagoo Spain ka dhigay 3-1, Spain ayaa sii waday cadaadiska, waxaana daqiiqaddii 89-aad goolka afaraad u dhaliyay Nico Williams, kaddib kubbad uu kasoo helay Pedri.

Ugu dambeyn, ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay Spain 4-1 Croatia, iyadoo Spain ay saddex dhibcood oo muhiim ah qaadatay, Guushan ayaa Spain siisay 6 dhibcood, waxayna hadda hoggaanka u qabatay group-ka. Croatia ayaa leh 3 dhibcood, halka England ay sidoo kale leedahay 3 dhibcood, Czech Republic-na ay weli tahay kooxda aan wax dhibco ah haysan.

Spain ayaa kulankeedii koowaad sidoo kale guul ka gaartay England, iyadoo ku adkaatay 3-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here