Kylian Mbappe Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Uu Uga Ciyaari Doono Real Madrid.

Su’aashii la wada sugayay in la waydiiyo Kylian Mbappe ayaa la waydiiyay booska uu uga ciyaari doono Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.

“Waxaan ka ciyaari karaa meel kasta oo weerarka ah, waan la qabsan doonaa waxa uu tababaraha i waydiiyo,” Mbappe ayaa ku jawaabay su’aasha.

“Ma daneeyo booska aan ka ciyaari doono, kaliya waxaan doonayaa inaan kooxda caawiyo si kasta oo aan awoodo”.

“Waxa aan halkan u imid in aan ka qayb ahaado kooxdan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inuu Real Madrid ku ciyaarsiiyo shaxda 4-3-3 waxana labada garab ee weerarka ka ciyaari doona Mbappe iyo Vinicius.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga