Koundé oo ka hadlay kursiga keydka Barcelona loo fariisiyey iyo Zidane …

0

Daafaca Barcelona iyo xulka France, Jules Koundé, ayaa ka hadlay sababta uu xilligan ugu fariisto kursiga keydka Barcelona, isagoo sheegay in go’aankaasi uu yahay mid uu leeyahay tababaraha, Koundé ayaa caddeeyay inuu si wanaagsan jir ahaan u diyaarsan yahay, isla markaana uusan dhaawac qabin, balse uu qirtay in xilli ciyaareedkii hore uusan gaarin heerkiisii caadiga ahaa.

Wuxuu sheegay inuu si wanaagsan u aqbalayo caqabadda, isla markaana uu si adag uga shaqeyn doono sidii uu dib ugu heli lahaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

Advertisment

Koundé ayaa sidoo kale amaanay Zinedine Zidane, isagoo sheegay inuu yahay tababare si fudud loo fahmi karo, isla markaana jecel inuu ciyaartoyda kula hadlo gudaha iyo bannaanka garoonka.

Dhanka kale, Koundé wuxuu diiday inuu isbarbar dhigo Zidane iyo Didier Deschamps, isagoo sheegay inuu doorbidayo inuu diiradda saaro shaqada Zidane ee ah dhisidda xul France ah oo weerar badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here