Kooxaha Aan Wax Guuldaro Ah La Kulmin Horyaalka Premier League Sanadka 2024 Oo La Soo Saaray.

Sanadka 2024 ayaa si fiican ku bilowday horyaalka premier League iyada oo ay kooxo badan qaab ciyaareed fiican ku jiraan.

Laakiin waxa jira kaliya 3 kooxood oo aan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka tan ilaa bilowgii sanadka 2024.

Kooxo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah waxana ay heleen natiijooyin fiican.

Laakiin kooxaha Man City, Arsenal iyo Man United ayaa ah 3-da kooxood ee aan ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka sanadka 2024.

Kooxda Arsenal ayaa badisay dhamaan kulamada ay ciyaartay premier League sanadka 2024 iyaga oo ciyaaray 5 kulan ilaa haatan.

Labada kooxood ee reer Manchester ayaa dhinacooda badiyay 4 kulan min hal kulana bar-baro galay ilaa haatan snaadka 2024.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga