Jurgen Klopp Oo Jabiyey Rikoodhkii Sir Alex Ferguson Ee Horyaalka Premier League

Liverpool waxay la wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo September 2021, waana waqti laga joogo laba sannadood iyo saddex bilood, waxaana arrintan u suurtogelisay guul ay kasoo gaadheen 10 ciyaartoy oo Crystal Palace ah maalintii Satidii, taas oo sidoo kale uu rikoodh ka dhigay tababare Jurgen Klopp.

Aston Villa ayaa garaacday Arsenal oo hoggaanka haysay, kahorna waxa waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyey Liverpool xiddiga England ee Harvey Elliott.

Liverpool oo ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii 2019/20, ayaa waxa ay hadda ku ducaysanaysaa in ay sii wadato guulaha oo ay xajisato hoggaanka horyaalka Premier League, si ay mar kale ugu guuleystaan horyaalkan oo saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ay si xidhiidh ah u qaadaysay Manchester City.

Guusha ay Liverpool ka gaadhay Crystal Palace, waxa si gaar ah ugu xusnaa goolkii uu waqtiga dhamaadka dhaliyey Harvey Elliott oo tababare Jurgen Klopp siiyey fursad uu ku dhaafo Sir Alex Ferguson.

Markii uu Harvey Elliott goolka dhaliyey daqiiqaddii 91aad, isla markaana kooxdu dabbaal-degtay ee ay saddexda dhibcood isku hubsatay, waxay noqotay ciyaartii 17aad ee Premier League ah ee Liverpool ay dhaliso goolal ay ku guuleysato daqiiqadda 90aad iyo wixii ka dambeeya, waxaana Jurgen Klopp uu jabiyey rikoodhkan oo uu haysan jiray Sir Alex Ferguson.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga