
Halyeeyga Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in maamulka Arsenal ay ceyrin karaan tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedka soo socda.
Gunners ayaa qarka u saaran inay ku dhameysato koob la’aan xilli ciyaareedkii shanaad oo xiriir ah.
Wiilasha Arteta ayaa lumiyay horyaalka Premier League waxana sidoo kale laga reebay champions league.
Intaa ka hor, Arsenal ayaa lagu reebay heerka semi-finalka Carabao Cup kooxda Newcastle, halka wareega seddexaad ee FA Cup lagu reebay.
Isagoo u hadlayay Sky Sports ka dib markii ay Arsenal barbaro 2-2 ah la gashay Liverpool, Carragher ayaa yiri: “Xilli ciyaareedkan waxa uu dareemayay inuu ahaado xilli ciyaareedkooda”.
“Shaki kuma jiro xilli ciyaareedka soo socda in cadaadiska uu si weyn u saari doono Mikel Arteta marka loo eego ku guuleysiga koob weyn”.
“Maamulka Arsenal, haddii aysan [ku guuleysan koob weyn], waxay yeelan doonaan arrin aad u weyn sababtoo ah ma rabaan inay beddelaan tababarahooda, laakiin waxaa jiri doona dad badan oo dhahaya: shan ama lix sano oo koob la’aan ah”
“Waxa ay raadin doonaan tababarayaal koobab ku guulaysan kara.”
Be the first to comment