Halyeeygii xulka England, Alan Shearer, ayaa ammaan weyn u jeediyay difaaca Arsenal, isagoo ku tilmaamay kan ugu fiican kubadda cagta adduunka kadib guushii ay Gunners 1-0 kaga gaartay Liverpool garoonka Anfield.
Arsenal ayaa hoggaanka Premier League la wareegtay kadib markii Kai Havertz uu daqiiqaddii 16-aad dhaliyay goolka guusha. Liverpool ayaa weerarro badan qaaday, balse waxay ku guuleysatay inay hal kubad oo keliya ku aaddiso goolka Arsenal.
Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan laga dhaliyay 10 gool oo keliya 15 kulan oo ay ciyaartay xilli ciyaareedkan.
“Taasi waa sida koox ahaan loo wada shaqeeyo. Sidaas ayaa koox ahaan loo difaacdaa. Ciyaaryahan kasta wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah,” ayuu Shearer u sheegay Premier League Productions.
Wuxuu intaas ku daray: “Uma maleynayo inay jirto koox kubadda cagta adduunka ka ciyaarta oo u difaacata sida Arsenal. Ciyaaryahan kasta ayaa kaalintiisa ka qaata difaacashada, mana aha afarta daafac oo keliya.”
Xiddigii hore ee Arsenal, Theo Walcott, ayaa sidoo kale ammaanay difaaca kooxda, isagoo sheegay in adkeysigooda uu ka dhigayo kuwo adag in la joojiyo xilli ciyaareedkan.

