Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso inay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo xoojiso weerarkeeda, iyadoo tababare Mikel Arteta uu bartilmaameedsanayo Eli Junior Kroupi iyo Kenan Yildiz.
Weeraryahanka Bournemouth, Kroupi, ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii ay Arsenal si weyn u dooneysay xagaagii, balse dhaawac jab ah oo cagta hoose kasoo gaaray kulamadii diyaar garowga xilli ciyaareedka ayaa sababay inuu qalliin maro.
Xiddiga xulka France ee da’doodu ka yar tahay 21 jir ayaa muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaa. Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee kubadda cagta England ayuu dhaliyay 13 gool 35 kulan oo tartamada oo dhan ah, kadib markii uu Lorient kaga soo biiray Bournemouth.
Haatan Kroupi ayaa taam noqday, wuxuuna saddexdii kulan ee ugu dambeeyay Bournemouth u ciyaaray isagoo beddel kusoo galay.
Dhanka kale, Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa Kenan Yildiz oo u ciyaara Juventus. Xiddiga reer Turkey ayaa muddo lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqo waqooyiga London, balse dhaawac cagta ah oo qalliin u baahday ayaa hakiyay qorshayaashaas.
Si kastaba, saxiixa labada ciyaaryahan bisha Janaayo ma fududaan doono. Juventus ayaa hore u diidday inay iibiso Yildiz, iyadoo tababare Luciano Spalletti sheegay inaysan muhiim ahayn xitaa haddii kooxaha doonaya ay bixiyaan €100 milyan.

