Haaland Oo Ka Hadlay Rikoodhka Uu Jabin Karo Champions League.

Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa jebin doona rikoor cusub oo gool dhalinta Champions League haddii uu shabaqa ka taabto kooxda uu hore u ciyaaray, Borussia Dortmund, habeenka Arbacada.

Xitaa marka loo eego heerkiisa aadka u sarreeya, Norweejiyanku wuxuu si cajiib ah ku bilaabay xilli ciyaareedka 2025–26, isagoo dhaliyay 26 gool kaliya 16 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa iyo qarankiisa.

Silsiladdii xiisaha lahayd ee 12-ka kulan oo uu goolal dhaliyay dhammaan tartamada ayaa ku dhamaatay markii uusan waxba dhaliyin kulankii Premier League ee City 1-0 uga badi waayey Aston Villa, laakiin wuxuu u baahday kaliya 33 daqiiqo si uu u dhaliyo laba gool qeybtii hore ee kulankii guusha 3-1 ee Bournemouth.

Haaland, oo ah No.9 ee Man City, ayaa hadda dhaliyay 13 gool kaliya 10 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale dhaliyay 4 gool saddexdiisii kulan ee ugu horreysay Champions League, oo ay ku jirto goolka furitaanka ee guushii 2-0 ee Citizens ka gaareen Villarreal laba toddobaad ka hor.

Iyada oo uu 25 jir yahay, Haaland wuxuu haatan fadhiyaa booska 10-aad ee liiska gooldhalinta Champions League ee taariikhiga ah, isagoo dhaliyay 53 gool 51 kulan oo kaliya, isla markaana jebiyay rikoorro badan inta lagu guda jiro.

Tan iyo markii uu ku biiray Man City sanadkii 2022, Haaland wuxuu dhaliyay 32 gool oo Champions League ah kooxdiisa hadda, halka 19-ka gool ee kale uu ka dhaliyay kooxihiisii hore ee Borussia Dortmund (13) iyo Red Bull Salzburg (6).

Haaland caadiyan wuu si degdeg ah ku bilaabaa goolasha tartanka Champions League, waxaana uu taariikh cusub dhigi doonaa haddii uu shabaqa ka taabto kooxda Dortmund ciyaarta Arbacada, isagoo noqon doona ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda tartanka gool ka dhaliya shan kulan oo xiriir ah isagoo matalaya saddex kooxood oo kala duwan.

Weeraryahanka ayaa gool dhaliyay afartii kulan ee ugu dambaysay ee Champions League uu u saftay Manchester City (wuxuuna dhaliyay lix gool guud ahaan), wuxuuna hore ugu lahaa taxane uu goolal ku dhalinayay ugu yaraan shan kulan oo xiriir ah isagoo u ciyaaraya Salzburg (November 2019, shan kulan) iyo Dortmund (March 2021, lix kulan).

Kahor ciyaarta “gaar ah” ee Arbacada oo uu kaga hor tagayo kooxdiisii hore, Haaland ayaa sheegay inuusan ka fikiraynin jebinta wax rikoor gaar ah, balse uu diiradda saarayo ciyaar kasta oo mar ah.

“Rikoodhkee, ma doonayo in aan is kibriyo” ayuu Haaland si kaftan ah uga jawaabay markii la weydiiyay shir jaraa’id Talaadadii haddii uu ka gudbi karo rikoor kiisii hore ee goolasha xilli ciyaareed keliya.

“Wadarta waxaan lahaa 57 gool, oo ay ku jiraan kuwii aan u dhaliyay xulka qaranka [xilli ciyaareedkii 2022-23]. Waan ku socda jid fiican, balse tan kama fikiro.”

“Haa, dhab ahaantii [habkayga waa ciyaar-ilaa-ciyaar]. Laba maalmood ka hor waxaan ciyaarnay ciyaar, waana taariikh hadda. Waa inaan diiradda saarnaa berri, waana sida maskaxdaydu u shaqayso. Waa inaan sidaas u fekeraa sababtoo ah ma fekerayo wax badan. Waa inaan ku noolaadaa hadda.”

Wuxuu intaas ku daray: “Weli dhowr saaxiibo ayaan ku leeyahay (Dortmund). Shaqaalaha qaar weli way joogaan, waana dad aan weli la hadlo. Waqti cajiib ah ayaan ku qaatay Dortmund. Waa koox heer sare ah oo ay ku jiraan dad aad u wanaagsan.

“Kaliya wax wanaagsan ayaan ka sheegi karaa iyaga. Marka aan dib u xasuusto dhammaan xusuustayda, aad bay u fara badan yihiin kuwii quruxda badnaa muddadii laba sano iyo bar ahayd ee aan halkaas joogay. Waa ciyaar gaar ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga