Greenwood Oo Man United Ka Caawin Kara Saxiixiisa Joao Felix

Mustaqbalka Mason Greenwood wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah sheekooyinka ugu waa weyn xagaaga, Manchester United ayaa weli Qiimaynaysa xaalada weeraryahanka.

Greenwood Oo Laga caydhiyay man United Ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku Soo bandhigay kooxda Getafe Oo uu amaah kula joogay.

Sida Laga Soo xigtay Dialy  star, Man United Ayaa doonaysa in ay Greenwood u Soo bandhigto kooxda Atletico madrid si ay iyaguna u helaan xiddiga Joao Felix.

Felix ayaa ku laabanaya Atletico madrid maadama uu dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa Ee uu kula joogay Barcelona.

Man United Ayaa ogsoon xiisaha ay Atletico u qabto xiddiga Greenwood waxana ay doonaysaa in ay xiisahaas ka faa’iidaysto isla markaas heshiis is dhaafsi ah la samayso Atletico madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga