DEG-DEG: Man United oo la iibinayo?, Go’aanka qoyska Glazer Ee ku aadan iibinta kooxda oo la shaaciyay, iyadoo ay jiraan qoomamo ku Aadan Heshiiska Ratcliffe ‎

0

Saacadihii u danbeeye Waxaa la sheegay oo ay warbaahinada caalamka wada qorayaan in xubnaha qoyska Glazer ay ku kala aragti duwan yihiin inay iibiyaan kooxda Manchester United iyo in kale, iyadoo sidoo kale la sheegay inay ka qoomameynayaan heshiiskii ay la galeen Sir Jim Ratcliffe.

‎Qoyska Glazer ayaa weli si weyn looga neceb yahay Gudaha Kooxda Manchester United, inkastoo Ratcliffe uu labadii sano Ee la soo dhaafay xoogaa cadaadis ah ka dul qaaday.

Advertisment

‎Sanadkii 2024tii, Ratcliffe wuxuu noqday saamile laga tirada badan yahay oo ka tirsan Manchester United, isagoo la wareegay maamulka howlaha kubadda cagta Ee garoonka Old Trafford.

‎‎Taageerayaal badan oo Manchester United ah ayaa doorbidayay in kooxda si buuxda loola wareego, balse tallaabadaas waxaa haddana loo arkayay bilow cusub oo lama huraan ah.

‎Si kastaba ha ahaatee, Ratcliffe ayaa labadii sano Ee la soo dhaafay si isa soo taraysa u noqday shaqsi aan taageerayaashu jeclayn, sababtoo ah markii uu dhimista kharashaadka sameynayay wuxuu bartilmaameedsaday taageerayaasha, shaqaalaha iyo halyeeyada kooxda. Sidoo kale, labadii bilood Ee la soo dhaafay waxaa si joogto ah mudaharaadyo looga dhigayay garoonka Old Trafford.

‎‎Taageerayaasha Manchester United ayaa sidoo kale ka careysan sida Ratcliffe iyo qoyska Glazer ay kooxda u maamulayaan, iyadoo haatan ay ku jirto aagga loogu laabto heerka labaad Ee horyaalka Premier League.

‎‎Toddobaadyadii ugu dambeeyay, waxaa jiray hadal-hayn ku saabsan in qorshaha la wareegista Manchester United uu mar kale soo laabtay, balse warbixin cusub oo ka soo baxday Wargeyska The Daily Mail ayaa sheegaysa in qoyska Glazer ay ku kala aragti duwan yihiin inay kooxda iibiyaan iyo in kale.

‎Qoyska Glazer oo go’aan ka gaaraya iibinta kooxda Manchester United:

‎Waxaa la sheegay in dhowr ka mid ah walaalaha qoyska Glazer uu dhexdooda dib uga bilowday dood ku saabsan iibinta qaar ka mid ah saamiyadooda ama dhammaan saamiyada ay kooxda ku leeyihiin.

‎Joel, Avram iyo Bryan Glazer ayaa la sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin lahaanshaha Manchester United, balse xiisaha ay kooxda u qabaan Kevin, Ed iyo Darcie ayaa ah mid aan sidaas u caddayn, inkastoo dhammaan lixdoodu ay ka mid yihiin guddiga maamulka kooxda, Darcie-na ay leedahay saamiga labaad ee ugu badan, kaasoo gaaraya 9.71% boqolkiiba.

‎Waxaa sidoo kale la sheegay in qoyska Glazer dhexdiisa ay ka jirto qoomamo ku saabsan khaladkii ay sameeyeen markii ay saamiga kooxda ka iibiyeen Ratcliffe, iyadoo ay sidoo kale ka xun yihiin bixitaanka hal shaqsi oo gaar ah oo ka tirsanaa guddiga maamulka.

‎Sida uu sheegay ilo wareed xiriir bulsho la leh qoyska Glazer, inta badan walaalaha ayaa aaminsan in iibinta saamiga laga tirada badan yahay Ee ay ka iibiyeen Sir Jim Ratcliffe ay ahayd khalad. Inkastoo aan la ogeyn sida qoysku u arkaan shaqsiyaadka uu Ratcliffe magacaabay, haddana waxaa la rumeysan yahay inay ka xun yihiin bixitaankii Richard Arnold, oo ahaa agaasimihii ganacsiga iyo madaxa fulinta Ee hore Ee Manchester United, kaasoo ka shaqeeyay heshiisyo ganacsi oo daraasiin ah, isla markaana kormeeray dakhli gaaraya ku dhawaad £4 bilyan.

‎Sida uu sheegay isla ilo wareedka, qoyska Glazer ayaa sidoo kale la yaabay bixitaanka shaqaale kale oo saameyn weyn ku lahaa kooxda. Arnold wuxuu saadaaliyay waxa dhici doona ka hor inta aysan Ratcliffe iyo shirkadda Ineos imaan. Isaga ayaa si shaqsi ah qoyska Glazer ugala xaajooday bixitaankiisa. Hase yeeshee, markii dambe ma aysan awoodin inay ka hortagaan bixitaanka shaqaale kale, kuwaasoo waxyeello u geystay kooxda, sida ay sheegeen ilo wareedyo aan xiriir la lahayn qoyska Glazer balse hore ula soo shaqeeyay Manchester United.

‎Warkii oo kooban Sida warbixintu tilmaameyso qaar ka mid ah Glazer Family ayaa la tilmaamayaa inaysan dooneynba inay kooxda Man United saamigooda kusii jiraan oo ma cada ayaa la Leeyahay inay rabaan inay kooxda la iibiyo iyo in kale balse  qaarka kale ayaa la tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in kooxda Manchester United ay gacantooda ku jirto oo ma doonayaan ayaa la Leeyahay inay kooxda Gabi ahaanba iska iibiyaan.

Ads

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here